HomeXisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda oo wada-hadal ku xalinaya khilaafka ka taagan Diiwaangelinta...

Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda oo wada-hadal ku xalinaya khilaafka ka taagan Diiwaangelinta Madaniga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa ku heshiiyey inay wada-hadal ka yeeshaan khilaafka ka aloosan diiwaangelinta Madani ah oo labada xisbi ee Waddani iyo UCID dhowaan qaaddaceen, ka dib markii ay xukuumadda ku eedeeyeen inay ka baxday heshiis beesha caalamku goob-joog ka ahayd oo lagu go’aamiyey hirgelinta labada diiwaangelinood ee Codbixiyeyaasha iyo Muwaadiniinta.

Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda oo wada-hadal ku xalinaya khilaafka ka taagan Diiwaangelinta Madaniga ahMasuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo maanta warfidiyeennada kula hadlay Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka ahi si wada jir ah uga wada-hadli doonaan dhammeystirka Khilaafka Diiwaangelinta Madaniga ka taagan.

Xoghayaha Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax oo sharraxaad ka bixiyey wada-hadallada u furmaya Xukuumadda, waxaana hadalladii ka mid ahaa, “Waxaanu halkan iskugu nimid inaanu caddayno in labada Xisbi Mucaarad iyo xubno ka mid ah Wasiiradu oo wasiirka Arimaha gudaha iyo wasiirka Madaxtooyada ay noo socdeen wada-hadal oo aanu ka wada hadlaynay sidii qodobo ka mid ah Xeerarka Diiwaangalinta loo samayn lahaa Is-fahan guud, imikana Insha Allah waxaanu kulmi doonaa Bari,” ayuu yidhi Xoghaye Qodax oo intaas ku daray in wada-hadallada ay la fureen xukuumaddu aanay waxba ka beddelin go’aankii hore ay ugu qaaddaceen diiwaangelinta Madaniga ah ilaa ay xukuumaddu isku af-garanayaan xalka khilaafka taagan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa guul ku tilmaamay wada-hadalka u bilawday labada dhinac, isagoo turxaan bixinta arrimaha jirana ku sifeeyey mid dalka u horseedi karta Doorasho lagu wada qanacsan yahay,

“Si dalka ay uga qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah islamarkaana aan loo carqaladayn Diwaangalinnaha, waxaanu isla qaadanay in xal laga gaadho oo Xisbiyada iyo xukumadda oo isku dhan ay danta qaranka meel uga soo wada jeestaan,” ayuu yidhi Xoghaye Maxamed Uurcadde.

Heshiiska ku saabsan wada-hadalka dib-u-eegis lagu sameeyo Xeerka diwaangalinta Madaniga ah oo xisbiyada Mucaaradku ka biyo-diideen qaabka ay xukuumaddu u waddo inay dalka uga qabato oo ay ku tilmaameen mid aan ku jirin heshiis hore u dhexmaray, ayaa ka dambeeyay kulan dhexmaray Hogaanka labada Xisbi mucaarad iyo Wasiirarada Arrimaha gudaha iyo Madaxtooyada oo Xukumadda metalayay, haseyeeshee ma jiro natiijo ka soo baxday kulankaas marka laga reebo in Berri loo ballansan yahay guda-galka in la naaqisho qodobbada xeerka ku jira ee is-fahan la’aantu ka taagan tahay.

HALKAN KA DAAWO WARAN OO MUUQAAL AH

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories