HomeXisbiyada Mucaaradka iyo Ururrada Xuquuqal-Iinsaanka oo si Adag u Cambaareeyey falalka Cabbudhinta...

Xisbiyada Mucaaradka iyo Ururrada Xuquuqal-Iinsaanka oo si Adag u Cambaareeyey falalka Cabbudhinta ah ee Xukuumaddu ku hayso Xorriyatul-qawlka Saxaafadda Madaxa-bannaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Labada Xisbi Mucaarad ah iyo ururrada Xuquuqal-insaanka, ayaa si xooggan u cambaareeyey tallaabada tallaabada xukuumaddu ku xayirtay xarunta wargeyska Haatuf oo maanta gelinkii dambe ciidamada boolis ahi xoog kula wareegeen.

ucidwadani-logoXisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID iyo ururka Xarunta Xuquuqda Aadanaha oo xarunteedu tahay magaalada Hargeysa, ayaa ka deyriyey xad-gudubyo ay tilmaameen inay xukuumaddu ku hayso xoriyatul-qawlka warbaahinta madaxa-bannaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muunin Seed, ayaa sheegay in tallaabadani aanay ahayn mid laga filayay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marka loo eego doorkii ay warbaahintu ku lahayd guushii xisbiga Kulmiye ku hantay hoggaaminta dalka, balse waxa uu sheegay inay taas beddelkeeda ay noqotay xukuumaddii ugu tacaddiga badneyn warbaahinta dalka.

“Xisbi WADDANIi ahaan aad iyo aad ayaanu uga xunay aad iyo aadna waanu u canbaraynaynaa cago juglayntaas iyo cabudhintaas ay saxaafada madaxbanaan ay xukuumada somaliland ku hayso,tanina tii ugu horeysa maaha waxaad ogtay jariiradii hubaal iyana ilaa maanta ay xidhan tahay  runtii aad iyo aad ayaanu uga xunay waxaanan xukuumada usoo jeedin lahaa in ay saxaafada madaxbanaan cudhinta xad dhaafka ah ka dayso,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed oo warbaahinta qaarkeed u warramay.

Waxa uu Guddoomiyuhu Madaxda Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye dib u xusuusiyey kaalintii ay Saxaafada Somaliland kasoo qaadatay sidii uu madaxwayne siilaanyo kursiga u hanan lahaa waxaana uu yidhi, “Runtii xisbiga KULMIYE waxa uu ahaa xisbigii ugu horeeyey ee talada wadanka ku gaadhay saxaafada Somaliland ayaa uu ahaa xisbiga KULMIYE waxaan u malaynayaa inuu  ilaaway guushii ay saxaafadu gaadhsiisay xiligii uu mucaaradka ahaa iyo halgankii ay lasoo gashay markii uu maanta talada dalka hantiyeyna halkii laga sugayey inuu abaalkooda gudo cagta hoosteeda dhigay maalinba midku doono xidhay loona cago juglaynayo saxaafadii arinkaas waxaanu ku tilmaamaynaa hadaanu nahay xisbiga wadani nasiib daro usoo hoyatay wadankii somaliland magac darana inagu ah inagoo qaadanay nidaamka dimuq-raadiyada in saxaafada somaliland la cabudhiyo.”

22Dhinaca kale, xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID, ayaa sharci-dejin la’aan ah ku tilmaamay tallaabada xukuumaddu ku xayirtay Wargeyska Haatuf, “Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Waxaa Uu Si,aan La Soo Koobi Karin U Canbaareynayaa Falkaa Badheedhka,Awood Sheegashada,Sharci-Jabinta iyo Indhala,aanta Ah isla Markaana Markhaatiga u ah In aan Xukuumadda Maanta talada Dalka Haysaa Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka Midna Aaney Ixtiraameyn, iyada Oo Waliba Adeeg Saneysa Ciidamadii Loogu Tala galey In Cadawga Iyo Argagixisada Ay Ka Hortagaan.

Xisbiga UCID wuxuu Aamin Sanyahey Falkaa lagula wareegay Xarunta Wargeyska Haatuf In Uu Ka Dhashey Hantida Qaranka Ee La Musuq Maasuqey Ee Uu Wargeysku Si Muwaadinimo Ah Tooshka Ugu Ifiyey Iyo Dhaliilaha Wax Lagu Toosinayo Ee Mucaaradka Oo Uu Si Fiican U Qorayey,” sidaa waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray xog-hayuhu.

Dhanka kale, Xarunta Xuquuqal-Iinsaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa falkan si xooggan u cambaareysay, waxaanay xukuumadda iyo garsoorka ugu baaqeen inay dariiqa saxa ah u maraan warbaahinta madaxa-bannaan.

“Xadhiga wargeysyada ku taagan dawladdu waa dhibaato xuquuqal insaan oo leh welwelkeeda. Saxaafadda madaxbanaani waxay laf-dhabar u tahay dimoqraadiyadda.

Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka waxa mamnuuc ah dhamaan ficilada cabudhinaya saxaafadda. Qodobka 28 wuxuu waajibinayaa in dhinacyadu fursad siman u helaan garsoorka hortiisa.

Garsoorku waa inuu noqdaa mid ka madaxbanaan waaxda fulinta. Xaruntu waxay aad uga  welwelsan tahay ficilada iska daba imanaya ee lagu aamusiinayo saxaafadda ee garsoorku soo saarayo.

Xadhiga wargeysyada Haatuf iyo Hubaal waxay ku tahay xadgudub xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland: 1) Inay xadhiga ka qaado wargeysyada Haatuf iyo Hubaaloo ay ogolaato inay hawshooda wataan. 2) Inay joojiso ficil kasta oo waxyeelo ku ah madaxbanaanida saxaafadda

3) In garsoorku noqdo meel loo siman yahay oo dhegaysta dhinacyada intaanay soo saarin go’aankeeda,” sidaa ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xaruntaas Mulaho Mohamed Ali

Ciidamo boolis ah oo uu hoggaaminayo  Taliyaha Qaybta galbeedka Hargeysa ee Ciidanka Booliska, ayaa maanta gelinkii dambe la wareegay xarunta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Haatuf, iyada oo shaqaalihii iyo maamulkii Wargeyska tusay waraaq xayiraad xambaarsan oo ka soo baxday maxkamadda Gobolka Maroodijeex.

13-kii Bishii December ee 2013, ayaa sidan oo kale Ciidamada Boolisku albaabada ugu laabeen Xarunta Wargeyska Hubaal oo ilaa hadda xidhan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories