HomeXisbiyada Mucaaradka ah oo Saluug ka muujiyey Xulidda Ergooyinka Somaliland uga Qayb-gala...

Xisbiyada Mucaaradka ah oo Saluug ka muujiyey Xulidda Ergooyinka Somaliland uga Qayb-gala iyo Siyaasadda laga leeyahay Wada-hadallada Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa saluug ka muujiyey qaabka loo xulo ergada Somaliland uga qayb-gasha wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo siyaasadda Xukuumaddu ka leedahay wada-hadallada oo ay ku sifeeyeen mid mugdi kaga jira umadda.

Xisbiga Waddani oo Xaflad soo-dhawayn ah u sameeyey Taageerayaal Cusub oo ku biiray (DAAWO)Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, waxa ay siyaabo kala duwan uga hadleen isla markaana xukuumadda ku dhaliileen nidaamka loo xulo ergooyinka Somaliland uga qayb-gala wada-hadallada Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyey aan laga qayb-galin xisbiyada mucaaradka ah. Iyo sidoo kale siyaasadda Somaliland ka leedahay wada-xaajoodka Soomaaliya oo ay xisbiyadu ku tilmaameen inay ku jiraan arrimo siyaasadeed oo xukuumadda ka qarinayso bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ka qayb-galay munaasibad xisbigoodu ku soo bandhigay murashax shaaciyey inuu u taagan yahay tartanka doorashada Golaha Wakiillada ee sannadka soo socda, ayaa iftiimiyey sida ay xisbi ahaan u saluugsan yihiin xulidda ergooyinka Somaliland uga qayb-gala wada-hadallada, isaga oo tusaale u soo qaatay weftigii madaxweynaha ku wehelinayey wada-hadallada magaalada Jabuuti ku dhexmaray madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay inay ku weheliyeen Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali iyo Wiilka uu madaxweynuhu Soddogga u yahay ee Baashe, waxaanu ku dooday inay ahayd beddelkooda inay raacaan Mujaahidiintii u soo halgantay dalka.

“Waxanau wer-wer weyn ka qabnaa sida loo xulo ergada Shirka (Wada-hadalada) inooga qayb-gasha. Innamada ma socdayna waxay ahaayeen Baashe iyo Xirsi. Dad Xogogaal ah oo Dhiig iyo Dhuuxba u soo huray dalkan. Kuwaa aan sheegayo hadduu ku beddeli lahaa Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Aw-Cali iyo Maxamed Kaahin, anigu waan aqbali lahaa hadduu ku beddelo saddexdaas,” sidaas ayuu yidhi Cali Guray.

Dhinaca Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayey munaasibad xisbigaasi ku qaabilay taageerayaal cusub oo ku biiray, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay caddeyso siyaasadda laga leeyahay wada-hadallada.

“Hala wada-hadlo waa aan heshiinno oo ma diiddanin, laakiin waxaan umadda Somaliland qaban; wefti labaatan qof ka kooban ha tagaan meel oo wada-hadallaanu ka qayb-galaynaa ha yidhaahdaan, madaxweynuhuna waxaan daqiiqad gaadhin haka hadlo, labadaasi maaha laba is-qabanaya.

Waxa looga fadhiyaa xukuumadda, waa Maxay siyaasadda ay Somaliland ka leedahay wada-hadallada? Waxaanu rabnaa iyadoo qoran oo saxeexan, laakiin qadiyadda Somaliland ma mudna umana qalanto inuu marba intuu nin wasiir ahi iska dhoofo, dabadeedna uu madaarka ka soo dego uu ku hadlo wuxuu doono,” Sidaas ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories