HomeXisbiyada Mucaaraadka oo Xukuumadda uga digay inay Faro-gelin ku samayso Doorashada Hoggaanka...

Xisbiyada Mucaaraadka oo Xukuumadda uga digay inay Faro-gelin ku samayso Doorashada Hoggaanka Golaha Deegaanka Boorama

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka digay faro-gelin xukuumaddu ku samayso doorashada hoggaanka golaha deegaanka degmada Boorama oo maalinta Berri loo ballansan yahay inay yeeshaan fadhigoodii u horreeyey.

Mudaneyaasha loo doortay Golaha Deegaanka ee degmada Boorama, ayaa maanta lagu dhaariyey Maxkamadda Gobolka Awdal, waxaana loo ballamay in maalinta Berri ah ay yeeshaan fadhigoodii u horreeyey si ay u doortaan maayar iyo maayar ku-xigeen Cusub.

blankMurashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Maxamed Cali Aw Cabdi oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa ka digay in xukuumaddu faragelin ku samayso doorashada Maayarka Boorama, kaddib markii maanta oo la filayey inay doorashadu dhacdo dib loogu riixay Khamiista Berri.

Maxamed Cali waxa uu xukuumadda ku dhaliilay in dib u dhigista fadhiga golaha deegaanka cusub ee Boorama oo ka kooban 13 xubnood oo intooda badani ka soo baxeen xisbiyada Mucaaradka ah.

“Waxan halkan ku hayaa jedwalkii ay wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland soo saartay 13 Jun, Berbera shalay ayaa la doortay, Boorama waxa la ansixiyay 14 Jun 2021, wasiirka arrimaha gudduhu wuxuu saxeexay oo u muddeeyay in 16 Jun 2021, oo ahayd maanta loo qabto fadhigii, waxayna 13-ka xubnood ee cusub ee gollaha deegaanka Boorama saaka yimaadaan si nabadgelyo ah xarunta dawladda hoose oo Badhasaabkii iyo masuuliyiinta axsaabtu xaadir ku ahaayeen, waxaase markii la dhaariyay oo la filayay in ay fadhigooda qabsadaan oo diyaar loo ahaa ay soo baxday in dib loogu dhigay maalinta beri 17, Jun 2021, mana jirin sabab loo cuskaday,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Cali oo isaga iyo xubno kale oo Xisbiga Waddani ka tirsan warbaahinta kula hadleen magaalada Boorama.

Maxamed Cali Aw Cabdi waxa uu sheegay in sababta dib u dhigista fadhiga golaha deegaanka Boorama abuurtay dareen kale, isagoo xusay inay muuqato in lagu hakiyay amar kasoo baxay wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland.

“Arrintani waxay kicisay dareen, doorashadu waxay leedahay nidaam, dimuqraadiayaduna ixtiraam iyo nidaam ayay leedahay, qofka la dooranayo iyo ka wax dooranayaba waa in ay xor noqdaan, meesha lagu dooranayo iyo sida loo dooranayo, maanu fahmin sababta loo yidhi, Dib ayaa loo dhigay, waana in la ixtiraamaa xildhibaanada in ay qofkay doonaan soo doortaan, mana aha in qof aannay rabin lagu khasbo, sababta dib loogu dhigayna gobolka iyo Degmadaba dareen ayay kicisay, waxaanuna dareenkaa la wadaaggaynaa dadka Somaliland, ma garanayno sababta ay arrintaasi uga dhacday oo keliya Boorama, waana in aannay xukuumaddu maalinta beri wax faragelin ah ku samayn oo xildhibaanadu si xor ah isu doortaan,” ayuu yidhi, Maxamed Cali.

Dhinaca kale, Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Berbera, ayaa shalay doortay maayar iyo maayar ku-xigeen, kaddib markii isla shalayba ay maxkamadda gobolku xarunta dowladda hoose ku dhaarisay xubnaha Golaha Deegaanka Berbera oo 13 xubnood ka kooban, kuwaas oo aqlabiyaddoodu ka soo baxeen labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.

Fadhiga shalay ee lagu doortay maayarka iyo ku-xigeenka waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda, waxaana taas lagu sababeeyey iyadoo xukuumaddu cabsi ka qabtay in xisbiyada mucaaradku gacanta ku dhigaan Maayarka Magaalada Berbera.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories