HomeXISBIGII XALAAL ISKU DOORTA AYAA XORNIMO LOOGU CODAYN DOONA

XISBIGII XALAAL ISKU DOORTA AYAA XORNIMO LOOGU CODAYN DOONA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xisbiga dhab ahaan u dhaxeeya bulshda waxa lagu gartaa sida gudihiisu yahay ee markay mushraxnimo noqoto kala saara tartamayaashisa iyadon loo kala eegin hebelbaa hanti badan galiyay oo ka xiga inta kale, odaygii xisbiga lahaa ayaa hebel dhabarka taabtay ku wareejiyay. Tiroba inta xisbiyo ina soo martay mid dumay iyo kuwan dagaw dagaw leh lagama hayo xisbi intuu shirwaynihiisii qabsaday lagu tartamay cod lagu kala badiyay,waa gaan u xidhan hal qof kaligii ayuunba farta loo taaga. Waxay arimahaasi lafajabiyeen in la helo xisbiyo tisqaada oo horseed u noqda bulsho hore u talaabsata indhaha furata hogaamiye aamin lagu qaba ka soo baxo, arimahaasi waxay neefta ku

celiyeen qaranimadii loo hamuunsana waxanay haaneedka siiyeen qof jeclaysi qabyaalad heerkii u hooseysay maanta haabanaysa. Dukaan qof gaar u leeyahay uu malgashaday iyo xisbiyada qaranimada afka baarkiisa ah warbaahinta ka sheegaa waxba kuma kala duwana marka loo dhaba galo. Taagere xisbi waxa xanibay lahaanshaha qof gaar u yeeshay, wuxu taageeruhu isu rogayaa shaqaale, gudoomiyuhuna waa madaxii shaqaalahasi, hadhaw hadii uu kursiga ku hawaarsado ma noqonayo madaxwayne dalka wax u soo kordhiya wuxu ka shaqaynaya inuu ka xoogsado isaga iyo shaqaalihiisa iyo reerkii uu ka dhashay oo iyagu halganka marka horeba kaalinta ugu adag kaga jiray.

Tusaale uma baahnin aynu u soo qaadano xisbi hebel iyo siduu isu doortay gudihiisa, haleel uma hayno ku celcelin wax aynu u soo joognay ee waxa ina horyaala waa xisbiyo ganacsi u furan, xisbiyo rag leeyahay ay adagtahay in lala wadaago weeye. Haday qaarkood aanay wali qabsan shirkii mulkiilaha loogu gacantaagi jiray, waxa muuqan karta yididiilo ka duwan waxaynu hore ugu soo daalay, kama dayrinayno ee waynu dhawri doona taas laftigeeda wixi naruuro ah ee ka soo baxa hadii AALAHA awooda lihi ka dhigo. Aragti kale waxay tilmaamaysaa ka ganacsiga siyaasadu inuu Somaliland ka noqday wax dhaqangalay dhexdoodana heshiisyo ay galeen hadhuubka hadba mid loo dhiibo.

 Kala doorasho waxa loo baahdaa wax kala duwani markay jiraan, wax isku mid ah kala xulashadoodu waa garaad dari waali iyo miyir qab midna laguma tilmaami karo. Muddo ayuu xisbi hebel ka tirsanaa xaflado loo dhigayay, hadana wuu ka xidhxidhay mid kale ayuu ka daba guuray,hadana wuu isa soo rogay. Ma siyaasibaa mise waa maqaaxidii shaqaalaha dhismaha ka shaqeeya hadba gurigay dhisayaan ka daba guuri jirtay ee DABA QABLEEYA. waydiintu waxay tahay xisbiyo magaca waxba yaynan dugsane meel inama gaadhsiinayane wax mayska waydiina mise dabaqableeyadeena ayaynu iska ahaana xisbiyada tolkaynu ooda u adkaynaa qaranimadana bar banaan ayaynu kaga guurnaa    

 

XUSEEN WARAABE Jonkoping

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories