Home"Xisbigii Wuxuu Gacanta ugu Jiraa Afar Nin" Kijaandhe

“Xisbigii Wuxuu Gacanta ugu Jiraa Afar Nin” Kijaandhe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLpost):-Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), ayaa xogwaran uu maanta siiyey saxaafadda ayaa waxa uu kaga hadlay khilaafka Kulmiye ee uu isaguna qayb ka yahay, waxaana uu  hogaanka Xisbigaas ugu baaqay inay arrinta dhulka dhigaan oo aannay Xisbiga xaalad gelinin.

Murashax Kijaandhe waxa uu sheegay haddii aannay garabka af-duubka ku haysta Xisbiga KULMIYE aannay waan-waan iyo wada-xaajood ogolaanin, in taasi ay keenni karto in albaabada laga goosto Madaxtooyadda Somaliland.

Musharax Kijaandhe isagaa arrimahaa ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xisbiga Kulmiye waa Xisbi dimiqraadi u taagan xaakimkii buu ahaa waa kii ay ahayd in lagaga daydo dimuqraadiyadda. Doodahan socdaa waa dimuqraadiyaddii oo shaqaynaysa”

“Xisbigii Wuxuu gacanta ugu jiraa afar nin oo labana musharixiin labana ay u ololeeyaan, arrimahaasi waxay u baahan yihiin in laga hadlo. Annaga oo aqlabiyaddii haysanna ayaannu leenahay xisbigii shuruucdii uu lahaa ha la mariyo. Xisbiga Kulmiye Maanta muu dhallan siduu uu u shaqayn jiray si aan ahayn buu yahay imika, xisbi la wada leeyahay buu ahaa. Xisbigii Kulmiye maanta waa afar qof oo labadii kale ee wehelinayey way uga baxeen oo waxa ay yidhaahdeen sidan ay wax u socdaan raalli kama nihin” Ayuu yidhi Musharax Kijaandhe.

 

Sidoo Kale Musharax Kijaandhe waxa uu sheegay in aannu madaxweynuhu dhexdhexaad ahayn isla markaana waxa uu farriin u diray xisbiga Kulmiye waxaana uu yidhi “Inta aannay meel xun gaadhin ee aan farta dhexda laga qaniinin, waxaannu ugu baaqaynaa oo aannu leenahay xisbigayagii Kulmiye; Waar walaalayaalaw ma dhooqadaashaynu ku sii dhex jirnaa mise waynnu ka wada hadalnaa oo shirka dib baynnu u dhigannaa? Waxa kale oo xanuun leh madaxweynihii shallay lahaa dhex baan ahaa ayaa isaguna xafiiskii tagay oo taageero siiyay oo is diiwaangeliyay, ficilkaasina waxa uu sheegayaa in aannu madaxweynuhu dhex dhexaad ahay”

 

Ugu dambayn mudane Kijaandhe ayaa waxa uu ku goodiyey kuna hanjabay haddii xisbiga iyo taladiisa lagu soo celin lahaa waanwaan haddii kale madaxtooyada albaabada lagala bixi doono “Waxaanu leenahay oo aannu ugu baaqaynaa walaalahayo Haddii aan waanwaantii lagu soo celin oo sidii uu Kulmiye dhaqankiise ahaa lagu soo celin waannu isku noqonaynaa oo dadkayagii baannu ku noqonaynaa oo albaabada ayaa  laga goosan madaxtooyada”

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories