HomeXisbigii UDUB oo baaq Aayo-ka-tashi ah u diray Taageerayaashiisii iyo Xubnihii aan...

Xisbigii UDUB oo baaq Aayo-ka-tashi ah u diray Taageerayaashiisii iyo Xubnihii aan ku Milmin Axsaabta Siyaasadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbigii UDUB ee ka siibtay jaran-jarada siyaasadda Dalka, ayaa taageerayaashii iyo xubnihii xisbigaa ugu baaqay inuu socdo wada-tashi ku aaddan si loola jaan-qaadi lahaa isbeddelka siyaasadeed ee Dalka.

Bayaan uu ku saxeexan yahay Ku-simaha Guddoomiyaha Cabdixaliim Maxamed, ayaa loogu baaqay kaadiriintii Xisbiga UDUB, in gobollada dalka laga bilaabay kulmo iyo wada-tashi ay isugu yimaaddeen siyaasiyiin, xildhibaanno iyo Kaadiriintii Xisbiga ee aan ku milmin Xisbiyadii tartanka Doorashada ka qayb-qaatay.

Bayaankaas ayaa isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan: “Waxaan Ku Wargelinayaa dhammaan Kaadiriintii iyo Xubnihii Xisbiga UDUB, ee aan ku dhex-milmin Xisbiyadii/Ururadii tartamayey ama ka xoroobey inay meelna uga guuraan mabda’a Xisbiga UDUB, dibad iyo gudaba inay socoto talo wadareed loo siman yahay oo ku saabsan sidii si wada jir ah loogula  jaanqaadi lahaa isbedelka siyaasadeed ee dalka JSL.  Ka dhacay.

cabdixaliimMudanayaal iyo Marwooyin  waa Qadar Rabbi oo aan la baajin karayn, qalad kasta oo dhacay, in Xisbigii Dimoqraadiyadda bilaabay, baaxadda siyaasadeed lahaa, asaaska dawladnimo iyo astaanta qaranimo ee JSL. Seeska u dhigay,  hirgeliyey dhisme ciidan awood iyo tayo leh, maamul dalka wada gaadhay iyo  xidhiidh dibadeed oo adag, lagu xasuusto hirgelintii iyo aftidii Dastuurka iyo afar doorasho oo si xor, xalaal iyo nabadgelyo ah ku dhacay  uu maanta Saaxadda siyasadeed si fudud uga baxo.

Waxaa sida Dastuurka waafaqsan Dalka lagaga dhawaaqay Saddex  Xisbi Qaran oo kala ah Kulmiye, UCID iyo Waddani, sidaa darteed iyadoo maalmahan dambe aanu Hargeysa iyo Goboladaba ka bilawnay kulamo wada tashi oo ay isugu yimaadeen Siyaasiyiin kala duwan oo ka kooban Wasiiro iyo madax hore, Xildhibaano miisaan leh oo ka tirsan Wakiilada iyo Guurtida iyo Kaadiriintii Madaxda Xisbiga walina fikir ururin lagu jiro, waxaanu ugu baaqaynaa taageerayaasha dibadda iyo goboladaba inay isu habeeyaan sidii loola jaanqaadi lahaa isbeddelka Siyasadeed, sidii si tafarafuq la’aan ah meel loogu wada guuri lahaa.

Wixii Xidhiidh iyo talo ahna waxa lagu soo hagaajin doonaa E-Mailka: halimusa2@yahoo.com .  Waxa reebban is eedayn aan waxba hadda kordhinayn, taas oo aynu dib ugu dhigan doono Buug aynu ka qori doono Taariikhda Xisbiga.

Allaa Mahad Leh,

Cabdi Xaliim Maxamed Muuse

Xoghayaha Guud ahna K/S Guddoomiyaha Xisbigii UDUB

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories