HomeXisbigee Hogaanka U Haya Habarwacashada Siyaasiyiinta Haybta Wadaagga ah -...

Xisbigee Hogaanka U Haya Habarwacashada Siyaasiyiinta Haybta Wadaagga ah – W/Q: Sacad Maxamuud Gadhle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SacadHoy hoy dadwaynow

Goormaa la helayaa

Hogaan xeerka dhawroo

Hidahana ilaashoo

Hadaf kula wadaagoo

Heegan maanta kuu gala

Ana hawshii maan gabin

Hiilkaaga maan dayn

Ma hakinin qoraalkii

Dib u curashadii qalinka

Waa qoraal hufan oo aan ku habeeyay Dhacdooyinkii iyo maha dhooyinkii ku xeernaa

Hirdan adag oo hawl badnaa oo lagala kulmay furitaankii ururada siyaasada waa qoraal hido dhawra cidna aanan ku hiifin hadana aan ku tilmaamay habqankii habaaska iyo hagardaamada lahaa ee gudidii diwaan galinta iyo gudidii doorashooyinku  ay hormood ka ahaayeen

Waa qoraal aan hilaabta kaga qaadayo boogaha huursan ilayn [doqon baa hoosiis hadh moodee] .Waa qoraal aan ku iftiiminayo halmaanka habawga iyo hadaf la,aantu ka muuqato ee ay wadaagaan hogaamiyayaashii ururadii ku hadhay wareegii koowaad iyo ururadii ku hadhay wareegii labaad ee doorashadii golaha deegaanka dalka

Waa qoraal aan boroor diiq uga dhigayo bur-burkii ku yimid xisbigii [udub] bur-bur kaasooo ay sobob u ahayd talo xumo ay horseed  u ahaayeen madaxwaynihii  hore ee RAYAALE iyo madawayne ku xigeenkiisii  hadiise aan ku soo noqdo dulucda maqaalkayga waxay furitaankii ururada siyaasadu iyo shirar doceedyo ka horeeyayba ay sobab u noqdeen inay siyaasiyiin badan oon waligood isku arati iyo fikir noqon ay haybta ku midoobaan oo ay maanta leeyihiin hogaamiye kaliya oo ay raali kayihiin in ay saaraan kursiga dalka ugu sareeya ee madaxwaynaha iyagoo ku midoobay xisbiga wadani waxaase iswaydiin mudan halkee loogu gogolxaadhay  isku habar wacashada iyo midwaga siyaasiyiinta kala aragtida ahaa?

Ma haybta ay kasoo jeedaan ayaa ku qasabtay ?

Ma go,aan lagu gaadhay shirkii ceerigaabo ayay fulinayeen ?

Ma iyagaa u horeeyay?  Mise waa looga horeeyay talaabada ay qaadeen?

Xaqiiqada marka loo noqdo waa looga horeeyay . SHirarka beelahana waxaa fure u ahaa shirkii [gar-adag]  oo qayb libaax ka qaatay in lagu mideeyo siyaasiyiin aan waxba isku hanayn jirin aragtida siyaasadana aad ugu kala fogaa oo aan ka xusi karno madaxwaynaha s/land  AXMED MAXAMED MAXAMUUD  SIIRAANYO gudoomiyaha golaha guurtida  SALEEBAAN MAXAMUUD AADAN  iyadoo midnimada beesha bariga burcana ay xoogaysatay waxaanse ku dhaafayaa maah-maahda carbeed ee odhonaysa bani aadamku waxay haystaan diinta boqorkooda balse labadan masuul ee gudoomiyaha baarlamaanka ama golaha sharci dajinta md c/raxmaan maxamed c/laahi [cirro] iyo madaxwaynaha s/land  gudoomiyaha golaha fulinta ama golaha wasiirada qofba siduu u yaqaano hdaba mala bar-bar dhigi karaa habka iyo hanaanka siyaasadeed ee ay ku hogaamiyaan xisbiyadooda iyo talada dalkaba ciyaar carruureed inta badan laga yaqaano deegaano badan oo s/land  ah ciyaartan inta badan reer magaaluhu garanayn waxa la ciyaaraa cawayskii iyadoo sabada reerka carruurtu iskugu timaado iyadoo mid kamida carruurta xaga danbe lawada qabsado toban carruura ama  in ka badan ayuu mid ka mid ah gaar uga baxayaa isagoo ku taabtaaba ciyaarta ka baxayo

Halka kan kalana ka ilaalinayo  oo uu ka hortaagan yahay labadooda mooyee kuwa kalene iyagu shaadhka ayuun bay xaga danbe xajisanaysaan waxbana iskama dhicin karaan ciyaartan ayaa leh hal ku dhagyo lagu ciyaaro oo odhanaya [maxaan kaa cunay ] oo  mid odhanaya halka ka kalena ku difaacanayo [maxaa ii hadhay ] halka caruurta kale ee ciyaarta  ku jirtaa uu hal ku dhagoodu yahay

Hooyo baas

Habarta baas

Iga hiroo

Iga horjoog

[Xaasha e hooyo ma baasa habarna maaha ee ciyaartaasi malaga yaabaa in ay sheegayso habrahan abtirsiimadu sheegto]Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkayga ma egtahay hogaaminta madaxweynaha iyo gudoomiyaha golaha wakiiladu ciyaar caruureedkaa aan kor ku soo xusnay  mise madaxwaynaha ayaa bog cusub u furi doona bulshowaynta somaliland oo dhidibada u taagi doona mid nimo iyo wax isku hanayn beelo kala duwan oo midnimo wadaaga taasoo dhex marta beelaha bariga iyo galbeedka somaliland waa bari iyo  bil danbe balse qormadaydan aan ku soo afmeero maansadii halbeeg

How how dadwaynow

Horta maad ogaateen

Codku yahay hubkaagoo

Laba haadna kula maro

Midi  hoodo keenoo

Barwaaqada horseedoo

Talo hufana kuu dhalo

Midna haada kuu wadho

Halbowlaha ku gooyoo

Gaajiyo habaar dhalo

Hoy hoy dadwaynow

Hore socod ma doontaa

Raadcadii hogaan wacan

Maanka maad ku haysaa

Higso maad is leedahay

Horomarkaad tabaysee

U halaagtay nafo badan

Hoy hoy dadwaynow

Haye fududa daayoo

Halkan doodo keenoo

Hubso damacan beenta ah

Kala hufa xildoonkoo

Hugun raaca kala didi

Hamigaaga meel mari

Qalinkii Abwaan Sacad Maxamuud Gadhle gabiley   tell 4669910

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories