Home“Xisbigayagu Ilaa Hadda Musharax Buu Leeyahay Inkasta Oo Siyaasaddu Isbedbedesho..” Eng Faysal...

“Xisbigayagu Ilaa Hadda Musharax Buu Leeyahay Inkasta Oo Siyaasaddu Isbedbedesho..” Eng Faysal Cali Waraabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo la waydiiyay inuu leeyahay han musharaxnimo ayaa sheegay in ilaa hadda xisbigiisu leeyahay musharax, waxa uu se sheegay in siyaasaddu isbedbedesho “Xisbigayagu ilaa hadda musharax buu leeyahay inkasta oo siyaasaddu isbedbedesho,” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Guddoomiyaha Ucid oo la waydiiyay inuu han madaxnimo leeyahay waxa uu sheegay in wuxuu intaasi siyaasadda ugu jiraa yahay han madaxnimo oo heer qaran ah “Waxaan intaas u socdo een siyaasadda ugu jiraa waxa weeye hammi, hamigaygu laakiin, hammi qaran weeye. Arrinta qaranna in fikraddaadu socotaa weeye. Fikraddaadana waa inaad adigu fulisaa, markaa aniga taas weeye muhiimaddaydu,” ayuu yidhi Eng Faysal oo BBC-da u waramay.

 

Guddoomiyaha Ucid wuxuu sidoo kale sheegay in arrinta Kulmiye sawir xun muujinayso islamarkaana ay bilaamatay xilli laga soo baxay murankii doorashada iyo haamaha shidaalka “Arrintaasi waa arrin xisbi, inkasta oo xisbigu si xun u maamulay oo laga dhigay arrin qaran oo ay olole galeen. Gole dhexe oo 400 ah oo fadhiisanaya in loo ololeeyo oo sidii shacabku cod bixinayaan loo abaabulo may ahayn. Waxan ka baxayaa in haddii ay jiitanto arrinta khilaafka Kulmiye inay dib u dhigi karto doorashada 2017-ka,” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Eng Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay sababta wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia u socon waayay waxa uu sheegay inaanay Somalia dhab ka ahayn wada hadalku, taasna ay muujinayso sidii shirkii u dambeeyay loogu soo diray niman reer waqooyi ah.

 

“Imika arrin ayaa socota oo waxaanu isleenahay ma iska dhaafnaa qoladan(Dawladda Xasan Sheekh) intay ka baxayso meesha oo ma sugnaa dawladdaha kale. Labada dawladood ba hadda waxay ku jiraan doorasho. Intaan halka (final stage) ugu dambeysa la gaadhin wax badan ayaa la wada qabsan karaa oo dadkaa la isku fasixi karaa, waxbarashada, dhaqanka iyo arrimaha ammaanka ayaa la is dhaafsan karaa,” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Hadalka hogaamiyaha Ucid ee ku aadan inuu leeyahay han madaxweyne ayaa imanaya xilli uu dhawaan sheegay in xisbigiisa musharaxiinta madaxnimada u ah haddii uu ku qanci waayo uu musharaxiinta xisbiyada kale u ololayn doono. Hadalkaasi wuxuu abuuray khilaaf Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal soo kala dhex galay.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories