Home“Xisbiga WADDANI waxa uu canbaaraynayaa Damiirka hoggaamineed ee Qasriga Madaxtooyada ee ogolaaday...

“Xisbiga WADDANI waxa uu canbaaraynayaa Damiirka hoggaamineed ee Qasriga Madaxtooyada ee ogolaaday in…”- Axmed Muumin Seed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa xukuumadda Xisbiga Kulmiye ku dhaliilay inay ka gaabisay masuuliyaddii shacbaku ugu igmaday adeegyada aasaasiga ah ee bulshada danyarta ah oo ay sheegeen inay wakhtigan gebi ahaanba meeshii ka baxeen.
Ku-simaha guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbigaas Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inay xukuumaddu masuuliyaddii ka saarnayd adeegyada bulshada kaga mashquushay arrimo siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo ololeysan.

Axmed Muumin Seed waxa uu ku dooday in adeeg-yaraantii dhinaca caafimaadka ee markii hore haysatay cusbitaallada dalka ay kaba sii dareen isla markaana ay dirqi u jiraan inay dhammaantoodba albaabada loo laabo.

Guddoomiye Axmed Muumin Seed waxa uu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo u qornaa sidan: “Xisbiga WADDANI waxa uu  aad uga walaacsan yahay xaalada addag ee ay ku sugan yihiin dadwaynaha dan’yarta  ah ee tabaya waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha dhamaanteed ee ay  dusha  u saaraaya Xukumada talada haysa oo aan kuba baraarugsanayn dhibaatada ay ku sugan yihiin muwaadiniinta ku rafaadsan waddanka iyadoo taa badalkeeda xukumadu ku mashquulsan tahay faan badan iyo dhagaxaan ladaadiyo oo been ah

Waxaa Xisbiga WADDANI uu muuqata Cisbitaalada dalka oo xidhmay iyada oo markii horeba ay aad u yarayd adeega dadwaynuhu ka helaan cisbitaalada guud ee dalka

Waxaa xidhmay Cisbitaalada ceerigaabo, kii laas-caanood, kii caynabo iyadoo xaalada laga dayrinayo Cisbitaalada waaweyn ee Boorama, Burco, Baligubadle iyo Cisbitaalka guud ee Caasimadda.
Sida aynu wada ogsoonahay Cisbitaalka caasimadu wuxuu 200 miter u jiraa Qasriga Madaxtooyadda,  waxaana nasiib darro ah in maanta dadku laydh la’aan ugu dhimanayaan.

Sidoo kale Maxakamadda oo dhinaca kale uga jirta 200m waxaaynu ka dharagsanahay  inay xidhnaayeen maalmihii ugu danbeeyey oo ay u shaqayn kari waayeen laydh la’aan,   waxaan indhaha Shacabku si fiican u dhuganayaan  Qasridga Madaxtooyada oo u dhexeeya Maxkamadaha Iyo Cisbitaalka wayn  aanu mar kaliya ka bakhtiyin laydhku biyuhuna ka go’in.

Sidaa darteed, waxa uu Xisbiga WADDANI canbaaraynayaa damiirka hogaamineed ee Qasriga Madaxtooyadda ee ogolaaday in laydh la’aan loogu dhinto Cisbitaalka wayn, Maxkamaduhuna u adeegi kari waayaan Muwaadiniinta yadoo ay ku filaan lahayd waayir 200m ah oo gudbiya adeega korabtada looguna shaqeeyo muwaadiniinta.
Haddaba Xisbiga WADDANI waxaa uu Xukuumadda u soo jeedinayaa in ay iska dayso faanka beenta ah iyo geed sare waabka aan ka turjumayn baahida dhabta ah ee muwaadiniinta ku hoos silcaysa maamuulka Xukuumadda.

SOMALILANDPOST.NET/HARGEYSA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories