HomeXisbiga Waddani oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey inay Lumisay Kalsoonidii Mudaneyaasha...

Xisbiga Waddani oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey inay Lumisay Kalsoonidii Mudaneyaasha Baarlamaanka Ingiriiska u hayeen Qadiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

axmed wadaniHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna ku simaha Guddoomiyaha Axmed Muumin Seed, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay lumisay intii ay xilka haysay 46 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo xilligii Xukuumaddii Rayaale taageersanaa Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka Waddani waxa uu hambalyeeyey tallaabada golaha deegaanka degmada Sheffield ku aqoonsadeen madax-bannaanida Somaliland, balse waxa uu tilmaamay inay xukuumadda Siilaanyo lumisay kalsoonida xildhibaanno tiradoodu ka badan tahay kala-badh golaha Wakiillada Somaliland oo ka tirsan Gole-weynaha Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo uu tilmaamay inay si weyn u taageersanaayeen qadiyadda madax-bannaanida Somaliland wakhtigii dawladdii UDUB talada dalka haysay.

Ugu horeyn, guddoomiyuhu waxa uu hambalyeeyey tallaabada ay qaadeen golaha deegaanka degmada Shefield ay tahay mid ay ka soo shaqeeyeen shacabka Somaliland kuna amaanan yihiin laakiin ay Xukuumaddu isku sawirayso.

“Waxaan halkan aan kalmad kooban oo hambalyo ah aan u dirayaa Golaha Deegaanka Ee dagmada Sheffield oo runtii qabtay arin muhiima oo aynu u baahnayn hadaynu nahay reer Somaliland,Mahad naq balaadhan iyo hambalyo ayaan u jeedinayaa hawshaa balaadhan ee ay noo qabteen, waxaan iyagana aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dhamaanba taageerayaasha xisbiga WADDANI oo iyagu marka runta la sheego door weyn aad uga ciyaaray iyo dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay iyo waliba dhamaanba jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dagmada Sheffield iyo  cid kasta oo hawshaa ka qayb qaadatayna waxaan leenahay waad mahad santihiin,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Waddani.

Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed  waxa uu ku dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  inay ka seexatay aqoonsi raadinta Somaliland  isagoo tilmaamay inay ku liidato siyaasadda Arrimaha dibadda oo ay hoos u dhacday Qadiyadda Somaliland  dhanka dibadda intii uu Xilka Madaxweynenimo hayay Madaxweyne Siilaanyo

“Runtii dalkeena marka aynu dib ugu noqono xukuumadihii isaga kala danbeeyey waxaa marag madoona oo aad ogaydeen in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uu hogaaminaayo Xukuumaddii ka horaysay ee Daahir Rayaale wakhtigii ay iyadu jirtay waxaa ad inoo taageeri jirey baarlamaanka Ingiriiska oo 46 Xildhibaan ayaa ina taageersanaayeen,Xukuumadan imika jirta 46-Kii Xubnood meel ay ku danbeeyeen iyo cid kadaba tagtay toona ma jirto taasina waxaa ay caddaynaysaa in Xukumaddani ay ku liidato arimaha dibadda iyo raadinta ictiraafka Somaliland.

Maanta halkaa aynu marayno horaan uga socon lahayn hadii dawladu ay aad u dedaasho waxaa maantana ay Xukuumaddu  ay isku sawiraysaa arinkaa golaha deegaanka ee Sheffield oo shicibka iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi ay xoog uga shaqeeyeen oo ay Xukuumaddu ay tigidho badan ay u goosatay markaa waxaan leenahay Xukuumadda waa inay ka shaqaysaa oo ay u hawl gashaa dalkan sidii aqoonsi loogu helilahaa,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories