HomeXisbiga Waddani oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Mudaharaadkii Gabiley ee Lagu Aflagaadeeyay Xisbiga

Xisbiga Waddani oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Mudaharaadkii Gabiley ee Lagu Aflagaadeeyay Xisbiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in xukuumaddu abaabushay mudaharaad ka dhan ah Waddani oo dhawaan ka dhacay magaalada Gabiley. Waxa uu xisbigu sheegayaa in xukumaddu hawlihii loo igmaday kaga mashquushay qarbudaada asxaabta oo ay sheegeen inay asxaabtu xaq u leedahay tagista halkay doonaan.

 

Warka qoraalka ah ee Waddani arrintan ka soo saaray iyo Muuqaalka halkan kaga bogo

Hadal-haynta Xisbiga Waddani ee maalmahani waxay u badnayd Barnaamajkii Qabyada ahaa sidii loo qabyo-tiri lahaa annaga oo gude iyo dibadba ku baahinnay oo xataa Xisbiyada Mucaaradka ah gaadhsiinnay. Madaxtooyada iyo Xarumaha Xisbiga Kulmiyena hadal-hayntooda maalmahani waxay ahayd in ay ku guulaysteen in ay ey u xidhaan calanka Xisbiga Waddani.

 

Intaa waxa raacayay halkudhegyadii ay dadka lacagta ugu laabeen ee ahaa: “Waddani Gebilay ma iman karo iyo wax la mid ah.” Waxa hubanti ah in ay hawshaa galeen oo ay ka danbeeyeen saddexanka isku-raranta aan la mahadin ah ee Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo Dawladda Hoose ee Gebilay. Dheecaankii wadhatada laga soo nuugay ayaa qorshayaashaa dhagareed lagu maal-gelinayay. Ceebtood ma aha ee waa caadadood. Daliilkeedu wuxu yahay: waxa beryo dhaweyd aynu marag iyo markhaatiba ka nahay xubno xukuumadda ka socday oo Wajaale daahir yaa shamis ka lahaa: “Tog-wajaale waanu jecel nahay oo waa halkii eyga calanka UDUB loogu xidhay.” Daliil kalena wuxu yahay ilaa maantadaa aynu joogno ma haynno dawlad dhexe, mid hoose, Kulmiye, Boolis, Maxkamad iyo cid kale oo arrintan ka fal-celisa.

 

Saddexda Xisbi meel wal oo dalka ahba waa ay tegi karaan, ka hadli karaan, iska sharrixi karaan. Waa xeer iyo xaagaan. Dalka, gobollada iyo degmooyinku uma xidhna Xisbiga Kulmiye. Farriimaha caynkan ah Madaxtooyada iyo Xisbiga Kulmiye waxay ku hurinayaan dagaallo sokeeye oo dalka ka bilaabma doorashadana dib loogu rido. Farriimahan sadhaysan, xajiimaysan ee xanafta leh ee doollarka lgu laabayaa waxay horseed u yihiin in dalku kala googo’ oo qolaba meel sheegato sidaasna Xisbinnimadu ku baaba’do. Xukuumadda iimaanka-daran ee miyi iyo magaalaba murdisay waxa ku fillaa in ay soo bandhigto waxqabadkeedii 7da sannadood ee ay xilka haysay oo ay ku ladho ballan-qaad kale. Waa fursad annaan helin annagu oo ay na dheer yihiin.

 

Dhaqan-xumada iyo dhalan-darrada reer Gebilay uma ay dhalan ee waxa baday xukuumaddan abaalka daran ee dhaqanka suubban iyo akhlaaqiyaadka diineedba ka arradan ee kiishkii Cawaale sheegay ee aan buuxsamayn sidata, kaas oo ilaa London dabadiisu joogto.

Garriye, miyaanu hore u odhan:

 

“Dhurwaaga ciyaaya,

Cabaadku naf weeye,

Cadceed galabeedku,

Godkay cidhif joogto,

Dan bay ugu ciirin,”

 

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories