HomeXisbiga Waddani Oo Xukuumadda Eedayn ugu jeediyey Dayacaadda Siyaasiyiinta Gobollada Sool iyo...

Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Eedayn ugu jeediyey Dayacaadda Siyaasiyiinta Gobollada Sool iyo Sanaag Bari, Doorkeeda Qabyaaladda iyo Baylahda Soohdimaha Dalka ee Xidhan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa si adag ugu dhaliilay Xukuumada uu Hogaamiyo Madexweyne Siilaanyo Arimo door ah oo ay hordhac uga dhigeen dayaca lagu sameeyay Rag Door ah oo Siyaasiyiin ah oo kazoo Jeeda Gobolada Sool sida Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo sheegeen in aan lagala tashan Arimaha Deegaankiisa islmarkaana, Guuritaankiisa Wakhtigani sabab u ahaa Arimihii Shirka Khaatumo oo laga horjoogsadey in ay doorkooda ka ciyaaraaan ama talaabo ka qaadaan iyo waliba Arimo badan oo ku saaabsan talada Deegaamada Gobolka Sool.

Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Eedayn ugu jeediyey Dayacaadda Siyaasiyiinta Gobollada Sool iyo Sanaag Bari, Doorkeeda Qabyaaladda iyo Baylahda Soohdimaha Dalka ee XidhanMasuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa arrintan kaga hadlay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ugu horeyn ka Hadley arimaha Wakhtiga xaadirkan ku foorara Xukuumada Madexweyne Siilaanyo ee ay sida Weyn ugu fashilan tahey islamarkaana, loo baahan yahey in ay hogaanka dalka iskaga dhiibto Shacbigii Soo Doortey sida uu hadalkiisa u dhigay waxa kamid ahaa hadaladiisa; “Hadaanu nahey Xisiga Mucaaridlka ah ee Wadani waxaanu maanta halkan kaga hadleynaa dhawr arimood oo dalka Dhibaato weyn ku haya oo ay Xukuumada Somaliland ee maanta talada haysaa hormood ka tahey, oo ay Xukuumadani ku fashilantey islamarkaana, u baahan in Bulshada loo bandhigo , waxaad ogtihiin in Xuduudihii dallalka dariska ah ee aynu walaalaha aheyn ee Jabuuti iyo Itoobiya in la xidhay oo ay imika mudo dheer xidhnaayeen, dadkuna ay yihiin dad walaalo ah oo wax ka dhexeeyaana aanay jirin,Xidhitaankaa Xuduudahana waxaa u sabab ah Maamul Xumada maanta jirta ee Somaliland katalisa,iyo xidhiidh xumada ay la samaysay dowladhaasi oo ka duwan qaabkii hore ee aynu ula dhaqmi jirney dowladahaa aynu jaarka aheyn,aad iyo aad ayaanu uga xunahay,” ayuu yidhi.

“Waxaananu Xukuumada usoo jeedinaynaa Wadani ahaan iyadoo ay Xuduudihii xidhan yihiin dhinac Walba oo badii xidhan tahey,iyo Cirkii oo ay Soomaaliya la wareegtay oo ay Somaliland kujirto meel aanay waligeed iyo alheed gaadhin ilaa maalintii lagu dhawaaqay,aad iyo aad ayaanu uga xunahay waxaanu usoo jeedinaynaa in ay Xukuumadu ama si dhakhs ah dadweynihii doortey talada gacantooda usoo celiso ama ay si dhakhso ah waajibkii ay laheyd u gudato oo furto xuduudihii dalalka jaarka ah Somaliland waa Somaliland haday tahey hawo iyo hadey tahey Badd, iyo hadey tahey Bariba ama waxaanu ta yeelaynaa ta Un ama Waxaanu yeelaynaa ta caynkan ma aha wixii loo igmadey taasi ee Somaliland waa Somaliland,”ayuu yidhi Maxamed Uurcade, isaga oo intaas ku daray eedayn uu ku duray Xukuumada Madexweyne Siilaanyo in ay dabada ka riixayso Qabyaalada wakhtigan xaadirka ah meel xasaasi ah ka mareysa Guud ahaanba Dalka Somaliland.

DAAWO HADALKOODA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories