HomeXisbiga Waddani oo Walaac Xooggan ka Muujiyey Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka, Kan...

Xisbiga Waddani oo Walaac Xooggan ka Muujiyey Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka, Kan adigay Muddo-kordhin Xukuumadda Kulmiye Wakhtiga ku dheeraysato

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa wer-wer xooggan ka muujiyey dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sannadka dambe, arrintaas oo ay ku sababeeyeen diyaar-garow la’aan ka jirta Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha oo wakhtigii loo muddeeyey inay ku qabsoonto uu gebo-gabo ku dhow yahay.

iBRAAHIM MAHDI BUUBAAAfhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in caloolyowga dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka ay tahay mid ku jirta shacabka Somaliland oo uu sheegay inay cabsi ka qabaan muddo-kordhin uu ka digay in looga dhigo diyaar-garow la’aanta dhinaca diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

“Muddadii loogu talo-galay doorashadu inay qabsoonto waxa ka hadhsan sannad oo bisha June ee 2015-ka waa inay qabsoontaa sida sharcigu dhigayo, waxaana jira caloolyow laga baqayo diiwaangelintii oo aan wali qaban inay doorashadu dib u dhacdo, waa wax qalbiga dadkoo dhan ku wada jirta,” ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxase aanu sheegaynaa oo xisbi ahaan meel nooga yaala muddo-kordhin inaanay xal u ahayn Qarankan. Waxaanu sheegaynaa habeen in lagu daraa inaanay dawo u noqonayn dalkan.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo shalay ka hadlayey munaasibad Akedeemiga Nabadda iyo Horumarintu isugu Keentay Madaxda Xisbiyada, ayaa sheegay in karaamada iyo Sharafta Dimuqraadiyadda Somaliland ku xidhan tahay Doorashooyinka oo xilliga loo muddeeyey qabsoomiddeeda lagu diyaariyo.

“Waxaan isleeyahay, Somaliland hannaanka Dimuqraaddiga ah way ku guulaysatay oo waxay samaysatay hannaanka axsaabta badan. Caqabaduhu way iska jiri karaan, laakiin si aanu hannaankaasi u kala go’in, waxa loo baahan yahay in doorashooyinkuna ay noqdaan kuwo wakhtigooda lagu qabto.

Waxaan rejaynayaa, si hannaankaasi inoogu wanaagsanaado oo isbeddelkuna si dimuqraaddi ah u yimaaddo, diiwaan-gelinta inaynu ka wada-shaqayno oo suurto-gelino, waxaanan rumaysanahay haddii aynu ka wada-shaqayno, inaynu ku guulaysanno diiwaangelinta. Markaynu diiwaan-gelinno dadka codeynaya, doorashaduna way hawl-yar tahay inaynu qabanno,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories