HomeXisbiga WADDANI Oo Shuruud Ku Xidhay Gogosha Wada-hadal Ee Xukuumaddu U Fidisay...

Xisbiga WADDANI Oo Shuruud Ku Xidhay Gogosha Wada-hadal Ee Xukuumaddu U Fidisay Mucaaradka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Haregysa, (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa shuruud ku xidhay wada-hadal iyo gogol ay xukuumaddu ugu baaqday mucaaradka inay kaga wada xaajoodaan khilaafkii ka dhashay muddo-kordhinta ay guurtidu u samaysay xukuumadda iyo wakiillada.

Af-hayeenka xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta golaha wakiillada ayaa sheegay in xisbi ahaan uu go’aankoodu yahay kii komishanku ku cayimay qabsoomida doorashada, isla markaana aanay aqbalayn go’aankii guurtidu xukuumadda iyo wakiillada muddada sannadka iyo tobanka billood ah ugu kordhisay.

Waxa uu sheegay Xildhibaan in wada-hadalkaas ay diyaar u yihiin, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay inaan wax aan ahayn muddada ay guurtdi kordhisay aan lagaga wada-hadal. “Xisbiga WADDANI wuxuu hore sheegay in go’aankaa kasoo baxay golaha guurtida aanu u hogaansamin, isla markaana aanu aqbali doonin wax ka badan wixii heshiiska lagu ahaa ee komishanka doorashooyinku ay muddeeyeen ee ahayd 01, June, 2016.” ayuu yidhi Af-hayeenku.

Ibraahim Mahdi Buubaa oo faahfaahinaya shuruudda xisbigoodu ku xidhayo wada-hadalka ay xukuumaddu ugu baaqday mucaaradka ayaa yidhi. “Xukuumaddu waxay sheegtay in gogol ay fidinayaa, taasoo lagaga hadlayo khilaafkii ay abuurtay muddo-kordhintii ay guurtidu samaysay, khilaafkaas oo aanu hore uga dignay WADDANI ahaan. Waxaanu leenahay madaxweynaha ama madaxweyne ku-xigeenka ma xuma in gogol la dhigaa, khilaafna in laga wada-hadlaa ma xuma, laakiin waxaanu fahmi waynay oo ummada reer Somaliland-na fahmi wayday, go’aanka guurtidu waa muqadas iyo waxa laga wada-hadalayaa khilaafkii go’aankaasi abuuray laba is-qabata marnaba maaha, maxaa laga wada hadlayaa haddaanay laga wada-hadlayn muddadaas sharci-darada ah ee qayrul dastuuriga ah ee guurtidu go’aamisay ee xukuumadduna daba ka riixaysay, waxaanu leenahay aynu wada-hadalno ma xuma, laakiin waxa laga wada-hadlaya bi shuruud sida uu madaxweyne ku-xigeenku sheegay khilaafka ka dhashay muddo kordhinta ay guurtidu xukuumadda u samaysay kaasuun waa in laga wada-hadlaan.”

Somalilandpost.netBuubaa-1

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories