HomeXisbiga WADDANI oo sheegay inaanay Aqoonsan Doonin Natiijo Kasta oo ka soo...

Xisbiga WADDANI oo sheegay inaanay Aqoonsan Doonin Natiijo Kasta oo ka soo baxda Wada-hadalladda Somaliland iyo Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dr Maxamed Cismaan FadalHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay xukuumaddu u maamushay ka qaybgalka wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, kaas oo dalka Turkiga dib uga furmi doonaa todobaadka soo socda.

Xubno ka tirsan saraakiisha sare-sare ee Xisbiga Waddani oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa ay sheegeen in ay xukuumaddu isku koobtay ka qayb galka shirkaasi, isla markaana ay dhinac isaga leexisay xisbiyada Mucaaradka ah.

Shirkan jaraa’id  waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Gudida Arrimaha Dibada ee Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal  oo sheegay in xisbiga WADDANI aanu aqoonsan doonin wixii ka soo baxa shirkaasi labada wadan dhex mari doona, waxaanu yidhi, “Waxaanu doonaynaa shirkan  jaraa’id ee xisbiga WADDANI Maanta Qabanayo Inaanu kaga hadalo  shirka Turkiga ee loo baxayo oo ku saabsan siyaasada arimaha dibada, waxa aynu wada ogsoonay in wasiirka arimaha dibada somaliland uu xalay iclaamiyey in somaliland ay ka qayb galayso shir turkiga ah, waxa aynu wada ogsoonahay in shirarkaas turkiga loo tago waynu wada ogsoonay kii ugu danbeeyey doodii dheerayd ee laga galay.

xisbiga WADDANI marwalba waxa uu ka hadlaa danaha dadka isaga oo matalaya shacabka reer Somaliland.”

Dr Maxamed Cismaan Fadal waxa uu sheegay in bulshada reer Somaliland ay xaq u leedahay in la ogeysiiyo shirarka lagaga hadlayo masiirkooda, waxaanu yidhi, “Xaq ayay bulshadu u leedahay shirarka lagaga qayb-galayo magaceeda Gaar ahaan kuwa lagaga hadlayo masiirkeeda waa in ay ogadaan shirkaas ay dawladoodu ajandaha ay la tagayso. Dalkan Somaliland waa dimuqraadiyad, maaha dal dig-taatooriya, qofna  jeebka kuma qaadan karo masiirkiisa, Dawlada Waa La Doortay Shirarka Way Ka Qayb Gali Kartaa Laakiin Shirkaas ay Xukuumadu Ka Qayb Galayso Miyey Xisbiyada Mucaaradka ah U dhanyihiin oo Talo Laga siiyey Mise Kaligeed ayaa Jeebka ku Shubatay.”

Waxa uu intaasi ku daray in ay jirto cabudhin badan oo ay xukuumaddu ku hayso xisbiyada Mucaaradka ah, taladii wadankana ay kelideed isku koobtay, waxaanu yidhi, “Waxa la filayey oo hore looga hadlay oo in badan La sheegay oo maanta taagan cabudhin xad dhaaf ah oo lagu hayo dadka reer somaliland Waxaana ku Haysa Xukuumaddii ay Doorteen Madaxdoodu Ma Ogala In Ay Shacabkeeda wax u sheegto waxa yaabaha ay Somaliya kala hadlayso Arintaasi Waa Mid Nuqsaan Xukuumada Kulmiye Ku AH.

Waxaan Anigu Markaas leeyahay Dastuurkii Somaliland waxa uu Jidaynayaa ama Ku Cad In Somalia Iyo Somaliland ay Kala Yihiin Laba Dal, Markaas waxa laga wada hadlayo Maaha Arin Mada-Madow gali Kara.”

Sidoo kale waxa uu xukuumada usoo jeediyey inay talada lawadaagto labada xisbi mucaarad  iyo dadka soo doortay waxaana uu yidhi, “Waxaan U soo jeedin lahaa in labada xisbi mucaarad loo yeedho,  Golayaasha barlamaanka talada waxa laga siiyo, saladiinta iyo bulshada rayidka talada waxa Looga Dhiibo, Arinka Somaliya Loola Tagayaana Uu Noqdo Mid Aynu Gudaheena ku Dhamayno, Anaga Xisbi Mucaarad Ahaan Shirka Lala Tagayo Ee Xukuumada kulmiye Kaligeed Isku Koobtay Waxba Kama Ogin.”

Mar Uu la hadlayay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, waxa uu yidhi, “Wasiirka arimaha dibada ee kaligii talada goostay miyaanaan talada la lahayn, yaa laga qarinayaa miyaanan anagu ahayn kuwii sharciga iyo dastuurka dalka uyaala hadday xukuumada ka talaabsato kuwii toosin lahaa anagu miyaanan ahayn.

Waxaan leeyahay anigu dawlada kaligeed la dhuumanaysa in ay ka qayb gasho wada hadalada somaliya iyo somaliland ee baritoole ku furmaya dalka Turgiga anaga cid namay ogaysiin cidna nagamay talo siin ee waxii ka soo bax anigu xisbi mucaarad ahaan kama masuul nihin kumana raacsanin.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories