HomeXisbiga WADDANI oo sheegay in Albaabbada loo laabay Maxkamadaha Ceerigaabo, Xukuumaddana ku...

Xisbiga WADDANI oo sheegay in Albaabbada loo laabay Maxkamadaha Ceerigaabo, Xukuumaddana ku eedeeyey Faro-gelin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi (Uur-Cade), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay faro-gelin uu sheegay inay ka cawdeen Guddoomiyaha Maxkamadaha Hargeysa qaarkood oo sheegay inaanay u madax-bannaayn hawlaha Garsoorka ee gacanta ku hayaan.

Xoghayaha WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo Ku-xigeenkiisa Jamaal Jaamac oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey inay ka noqoto faro-gelinta ay ku hayso Hay’adaha Garsoorka sida uu ku dooday. “Tan maanta socota waxa ka horreysey in wareer caddaan ah ay Xukuumaddu ku soo qaadday Galaha Wakiillada Somaliland illaa uu IIlaahay u bixiyey una soo gurmadeen Golaha Guurtidu illaa shalay waxaan Warbaahinta ka arkayey Xukuumadda oo ka hadlaysa Garsoorka oo buun-buuninaysa halkii ay dabka ka damin lahayd.” Sidaa ayuu yidhi Uur-cadde.

wadani1Waxaanu intaa ku sii diray oo yidhi; “Waxay Xukuumaddu haddana u soo wareegtay markii ay Guurtidu damisay buuqii ay ka dhex-abuurtay Golaha Wakiillada in ay ku dhexe dhacdo Garsoorkii sida ay shegeen Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda gobolka iyo ta Raf-caanka-ba. Raggaas hadlayeyna waxay sheegeen in ay Xukuumaddu si cad oon gabbasho lahayn u soo faro-gelisay amarro kala duwanna siinayso bahdii Garsoorka.”

“Waxa ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha, waxa ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, kuwaasoo dhammaantood-ba ka hadlay arrimo siyaasadeed ee aan ka hadlin tabashadii Garsoorka, halkaas waxa nooga muuqata ka Xisbi ahaan in ay ku bur-burtay nidaamkii dawladnimo. Xukuumadduna waxay noqotay yaa Saxaafadda nagala hadlay halkii ay xal ka gaadhi lahayeen ceebta hoosteeda taalla, bur-burka gudaheeda ka jira iyo maamul-xumada ragaadisay Xukuumadda uu Madaxwaynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).” ayuu yidhi Xoghaye Uur-cadde.

Xoghayaha guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo si gaara ula hadlaya Wasiir Ku-xigeenka ee Wasaaradda arrimaha guaha waxa uu yidhi; “Wasiir ku-xigeenka amniga ee arrimaha gudaha Somaliland laba qodob oo uu sheegayba waxa ay qirayaan wax ka baxsan nidaamkii garsoorku lahaa iyo nidaamkii dalku ku shaqaynayey, waxa uu sheegay in 380 fulinood yallaan Xafiiskii oo uu ka hor-joogsaday inuu siiyo fulintii, taasoo ku tilmaamaysa caddaalad-darro, yaase Wasiirka ku yidhi waa caddaalad-darro, yaa udirtay?”

Sidoo kale, Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa Guddoomiyaha gobolka Sanaag ku eedeeyey inuu albaabbada u laamay Maxkamadaha heer gobol iyo degmo ee magaalada Ceerigaabo, waxaanu yidhi; “Badhasaabkii gobolka Sanaag wuxuu shalay (dorraad) xidhay Maxkamadihii Ceerigaabo ee Rafcaanka, tii gobolka iyo tii degmada, isagoo ugu marmarsoonaya way shaqaysan waayeen runtuna waxay tahay isagu xaq uma laha inuu xidho, waxaana looga baahnaa inuu warbixin u soo gudbiyo Guddiga caddaaladda wixii dhib ah ee jira.”

“Markaas, waxaannu leenahay waa faro-gelin qaawan oo toos ah oo lagu hayo Maxkamadaha, waxaana caddayn dadka ugu filan in Maxkamadihii hoose oo dhami qayliyeen oo yidhaahdeen waxay Wasiirradu noo soo qorayaan warqado ah waxaannu idin faraynaa, taasina waa mid wax u dhimaysa dawladnimada Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Jamaal Jaamac.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories