HomeXisbiga WADDANI oo Naqdiyey Buug Laga Qoray Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Xisbiga WADDANI oo Naqdiyey Buug Laga Qoray Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga WADDANI oo uu ku sexeexan yahay Xoghayaha warfaafinta ee xisibigaasi Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa si adag u lafaguray buugga Rejadii Rumawday oo laga qoray waxqabadka Madaxweyne Siilaanyo inta uu xilka hayey, warsaxaafadeedkan ayaa waxa uu si gaar ah diiradda u saaray wasaaradda duulista iyo hawada iyo wasiirkeedii hore Maxamuud Xaashi Cabdi

Warsaxaafadeedka Xisbiga WADDANI oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Somalilandpost.net ayaa u dhignaa sidan:

“Weli waa ay hadlayaan. 9kii bishan Diisambar, 2015ka, ayaa xaflad lagu qabtay Hudheelka Green Plaza. Xafladdaas waxa lagu soo ban-dhigay Buug baadi-sooc looga dhigay Rejadii Rumowday oo lagaga hadlayay guulihii nololeed ee Mudane Siilaanyo. Waxba ku tiigaali maayo oo dhallinyarada qoraalka u ambo-baxday niyad-jebin maayo, saaxiibkay Mujaahid Axmedna wax togan iyo wax taban wixii uu ka tegay taariikhda ayaa qori doonta. Annaguna waxaanu ka mid nahay kuwa wax ka qori doona ee weliba xogogaalka ah. Habeenkaas, qaar aan halgankii hubeysnaa dab u hurin, mucaaradnimadii Kulmiyena aan meeris u tolin oo ah intii timid saacadihii reebbanaa iyo xilliyadii wax-saareenka ayaa laga fadhiyi la’aa. Talo-xumadooda iyo tamar-darraantooda, Madaarka Berbera oo shaqaynaya oo dal iyo dadba la mahadiyay ayay Xukuumaddu tidhi shan milyan oo doollar ayaanu gelinnay. Sidii ayuu ku xidmay seyladdana ku jooga sida halbowlayaal dhaqaale oo kale. La-ye madaarka Hargeysana toban milyan oo doollar ayaa galay. Hadda madaarka Jigjiga ee Wiil-waal oo lacag ka yari gashay ayaa si walba uga dheg iyo dhaqaaleba roon. Haddii aanay taasi jirin, ciddii dhaqaalahaas maamulaysay ummadda ha qaan-baxdo.

Daartii ku soo noqo Wasaaradda Duulista Xarunta u ahaan jirtay ee kibirka iyo is-yeelyeelka loo iibiyay. Ninkii iibsaday wuxu ka macaashay magaalo dhan oo ganacsi oo intaas oo albaab ka furan tahay. Sidaas ayay weliba ugu hadhay in uu intaas oo fooq sii saaraa. Xukuumaddu waxay ka macaashtay daar quraarad ah oo aan weliba muraayad ahayn oo madaarka ku taal. Muraayadda iyo quraaradduna waa ay kala qiimo badan yihiin. Saddexankaasiba waa taallooyin u taagan hal-abuur-la’aanta iyo dhugmo-la’aanta xukuumadda tookha iyo faanka meel walba la taagan.

Wax la yidhi beryihii nidaamkii millateriga ahaa dalka ka talinayay, ayaa nin la yidhaahdo Dhegoolka loo soo beddelay Kastamka Lowyacaddo. Kii oo aad yaabto diifta iyo daranyada korkiisa ka muuqata ayuu yimid Lowyacaddo. Dhowr bilood markii uu joogay ayuu dhogor-gooyay. Boorame ayuu dalxiis ku yimid. Waxa lagu murmay in uu Dhegoolkii yahay iyo in kale. Waa ninkii oo caddaaday oo caloolaystay oo quraarad cadar ah ku faro-xasha oo biyo iyo sabuun ay beri hore kala dhaqaaqeen. Waxa lagu murmay waa Dhegoolkii iyo ma aha. Mufakarkeennii Cawaale Caynaan Diiddan ayaa soo dhex joogsaday dadkii oo yidhi: “….Waa isagii oo Qarjam-qarjamta ayuu ku badhaadhay.”

Kaadirkii SNM ee soo halgamay iyo kaadirkii Kulmiye ee mucaaradka ahaa intuba waa ku teel-teel xukuumaddan aan la mahadin. Daliilkeedu wuxu yahay: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UDUB rasaysan tahay.

Dacar miyaanu odhan: “Hadday Ri’i dub leedahay, Dabaday ku qarin layd, Dadna barasho uma hadhin,”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories