HomeXisbiga WADDANI Oo Munaasibad Soo Dhawayn ah ku qaabilay Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo...

Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Soo Dhawayn ah ku qaabilay Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Taageerayaal Xisbiga Kulmiye ka diga-rogtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta munaasibad soo-dhawayn ah u sameeyey Siyaaiyiin, Xildhibaanno iyo taageerayaal miisaan culus ku lahaa Xisbiga talada haya ee Kulmiye, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Waddani.

Munaasibadda soo-dhawaynta ee Xisbiga Waddani ku qaabilay taageerayaasha Cusub oo lagu qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Hoggaanka Sare iyo masuuliyiinta Xisbigaas, Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo taageerayaasha u diga-rogtay Waddani oo isugu jiray haween iyo dhalinyaro hore uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye.

DSC02362Taageerayaasha ku biiray Xisbiga Waddani oo uu horkacayey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa mudaneyaasha ugu miisaanka culus ee xisbiga Kulmiye ugu jiray Golaha Wakiillada, ayaa ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, waxaanu ka hadlay sababaha ku kallifay in isaga iyo taageerayaashiisuba ka baxaan Kulmiye una diga-rogtaan Waddani.

“Horta maanta waa maalin wayn. Waa Cashuura oo Illaahay Qur’aankiisa noogu sheegay, waa maalintii ay guulaysteen Nabi Muuse iyo Taabiciintiisii,inaguna maanta qoladeena soo biirtay Xisbiga WADDANI, sidii Nebi Muuse iyo Taabiciintiisii badda ayay ka baxeen, inaguna maanta dooxa ayaynu ka tallaabaynaa oo Cirro ayaynu u codaynaynaa oo codkeena siinaynaa.

Waxa kale oo aan idiin sheegayaa samanba waxbaa socda oo dabaylaha waa aynu naqaana dabayshu waxa ay u eegtahay maanta Xisbiga WADDANI, sanadihii ugu danbeeyey ee nalagu soo biirayey ee Xisbiga KULMIYE lagu soo biirayey 2009-kii,iyo 2010-kii horaanteedii,ayaa ay maanta u eegtahay oo ay wajigeedii leedahay,oo sidaas maanta WADDANI loogu soo qul-qulaayo ayaa ay ahayd,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaan Aareeye oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa ku eedeyey inay siyaasad qalloocan ku hagayaan dalka, taasina sababtay qoqobnaan soo kala dhex-galay dalka, muddadii ay Xilka hayeenna dalku dalku dhex-dabbaashay cadaalad darro baahsan.

Xubno ka mid ahaa Siyaasiyiinta iyo Taageerayaasha oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay cududdooda taageero ku biiriyaan Xisbiga Waddani, iyaga oo ballan-qaaday inay taageeradooda u huri doonaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Xoghayah Guud ee Xisbiga WADDANI, Xildhibaaan Rayte, Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa si balaadhan dhankooda u soo dhaweeyey Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo Taageerayaasha ku biiray Xisbiga WADDANI, waxaana ay sheegeen in ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo gunaanadkii munaasibaddaas khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey, waxa uu soo dhaweeyey taageerayaasha ku biiray xisbigiisa.

“Waxaan aad iyo aad aan u soo dhawaynayaa,Masuuliyiintii,Madaxdii,Haweenkii,dhalinyaradii iyo taageerayaashii ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,kana soo diga rogtay Xisbiga KULMIYE,aad iyo aad ayaanan dhamaantood aan ugu mahad naqayaa,waxaanan leeyahay ku soo dhawaada Xisbiga WADDANI,qalbi furan iyo gacmo furan ayaanan idin ku soo dhawaynayaa,” ayuu yidhi Md Cirro. Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Siyaasiyiin caan ah oo I hortaagnaa oo uu ka mid yahay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,oo ay ka mid ahaayeen Taageerayaashii faraha badnaa ee reer Gabilay,guddoomiye iyo muuse iyo dhalinyaradiisiiba,Cawil iyo Dr Cabdiba iyo dhamaanba masuuliyiintii kale ee aanan halkan magacooda ka sheeginba waxaan leeyahay intaba walaalayaal ku soo dhawaada gacmo furan,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories