HomeXisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Masuul Ka Tirsan Xisbigooda Oo Lagu...

Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Masuul Ka Tirsan Xisbigooda Oo Lagu Xidhay Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) isbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag u cambaareeyey xadhiga xoghayahii Xisbiga WADDANI u qaabilsanaa dawladaha Carabta Ambassador Axmed Safiina oo shalay galabnimaddii loo tabaaxay xabsi ku yaala dalka Kenya, waxaana Xisbiga WADDANI uu xadhigaas ku tilmaamay shirqool loo dhigay isla mar ahaantaana ah cadaawad foggaatay oo ka talowday xuduudaha.

Xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa sidan ku sheegay mar uu la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay jirin wax fal dambiyeed ah oo uu galay Ambassador Safiina.

“Waxa aanu si weyn u cambaareynaynaa xadhiga loo geystay xoghayaha xidhiidhka arrimaha Carabta ee Xisbiga WADDANI Md.Abassador Safiina oo shalay lagu xidhay dalka Kenya, gaar ahaan caasimadda Nayroobi, waxa aynu la wada soconaa in safiina aanay is haynin muwaadin Kenyaan ah sida aanu warka ku helnay, shirkad ganacsi oo Kenyan ahna ismay haynin, hay’ad kale oo dawli ah oo Kenyan ahna ismay haynin, Xisbi mucaarad ama muxaafad ah oo Kenya ka dhisanna ismay haynin , wuxuu ahaa muwaan reer Somaliland ah oo dhalasho Sucuudiga ah wata isla mar ahaantaana ku socday oo safar ku ahaa Kenya oo hawlo gaara iyo kuwo Xisbi ba fulinayey ayuu ahaa, markaa ma garna karayno sharciga meel ay kaga qoran tahay qof safar dal ku ah in la xidho, waxaana aanu dawladda Kenya ugu baaqeynaa in ay muwaadinkaas xoriyaddiisa u soo celiso oo weli ba muwaadin reer Somaliland ah, maadama oo Xukuumad xaqqiisa iyo xurmaddiisa dhowraysaa aanay jirin.”.Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi

Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi, waxa sida oo kale uu xusay xadhiga sarkaal kaas ay u tuhunsan yihiin ganacsade reer Somaliland ah oo muddooyinkii dambe uu dhaliilo ujeedinayey Safiina, kaasi oo uu sheegay in uu si toos ah taageero Xisbiga KULMIYE. “Arrinta kale, xisbi ahaan waxa aanu rumeysan nahay xadhiga muwaadinkaasi in uu yahay shirqool dhagaraysan oo cadaawadeysan oo cadaawad ka baxday xayndaabka Somaliland ah oo meel kasta gelaysa ah oo muwaadinnimaddii iyo qofnimaddii aan la ilaalinayn cidda ku sal leh ee ficilkaas sameysayna waxa aanu lee nahay in ay tahay dadkii uu isagu maagayey ee ganacsatada ah ee uu ku eedeynaayey inta ay ganacsigii ka yimaadeen in ay siyaasadda faraha la soo galeen oo taladdii Xisbiga KULMIYE iyo mudnaanta ba in ay lee xiyeen oo marin habaabiyeen, dadkaas ayaanu aaminsanahay in ay runtii xadhigiisa ka dambeeyeen, waxaana aan iyaga ugu baaqeynaa gaar ahaan xukuumadda in dadka noocaas ah ee sawirka ganacsi huwan ee hada na siyaasadda ku milmay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado, kana adkaysan mayno kana aamusi mayno xaqqa oo waanu ku adimaynaa.”.

Haldoor Barkhad oo ugu dabeyn halkaas ka hadlay, waxa uu codsi u diray dawladda Kenya oo uu ka codsaday in ay muwaadinkaas dib xoriyaddiisa ugu soo celiso.

“Dawladda Kenya na ixtiraam baanu u haynaa , waa dal aanu qiimeynayno, waa dal xidhiidho diblomaasiyaddeed oo fiican aanu rajeynayno in Xukuumaddayadu ay la yeelato, waa dal aanu dooneyno in uu ka mid noqdo hormoodka wadamada Somaliland ictiraafaya, markaa mas’uuliyiinta iyo laamaha amniga ba waxa aanu ugu baaqeynaa in ay muwaadinkaas dib ugu soo celiyaan xoriyaddisii oo la sii daayo muwaadinkaas reer Somaliland.”

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories