HomeXisbiga Waddani oo Jawaab ka bixiyey Hadalkii Guddoomiyaha Kulmiye

Xisbiga Waddani oo Jawaab ka bixiyey Hadalkii Guddoomiyaha Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye ayaa qoraal ay wada jir u soo saareen waxay ku dureen guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa Waddani oo ay dusha u saareen gacan ka hadalkii shirguddoonka golaha wakiillada Somaliland.

 

Qoraalka oo guddoomiyaha Kulmiye saxaafadda ugu akhriyay madaxtooyada waxaa lagu sheegay in dagaalkii shirguddoonku muujinayo dulqaad yarida guddoomiye Cirro, iyadoo lagu soo qaaday in reer Waddani u arkaan in Kuraastoodu tahay lama taabtaan.

Arrintaasi waxaa shalay jawaab ka bixiyay ku simaha guddoomiyaha ahna kuxigeenka koowaad ee Waddani Axmed Muumin Seed, oo saxaafadda kula hadlay Boorama, waxaanu sheegay in guddoomiye Muuse Biixi gar khaldan qaaday.

“Waxaan isleeyahay malaha Muuse Tv-yada ayaanu daawan. Eeda uu saarayo Guddoomiye Cirro-na waxaan leeyahay eedda guddoomiyuhu kaligii ma leh. Eeda ma lahayn guddoomiyuhu, waxa qabsaday iyo siday wax u dhaceenna dadkoo dhammi way ka dheregsanaayeen,” ayuu yidhi Mudane Seed.

Axmed Muumin Seed ayaa intaasi raaciyay “ Markaa Muuse waxaan leeyahay gar eexo ha galin waayo? Waxay wax u dhimaysaa mustaqbalkaaga siyaasadeed oo runtii horena taariikhdaada siyaasadeed wax badani kuugu yaaleen. Tanna haddaad ka gar naqdo oo wax khalad ah oo aan qofku qabin aad saarto waxay ku biiri doontaa waxyaabihii hore CV-ga kugu jiray. Waxaan leeyahay Muusow tv-yada dib u daawo sida arrinku u dhacayna dib u daawo markaa waxay ku qurux badan tahay inaad markaa jawaab ka bixiso.”

Hadalkii Muuse Biixii ee dhacdadii golaha wakiilada ayaa u dhiganaa sidan  “Gacan ka hadalkii dhex maray shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, sharaf dhac iyo foolxumo ayuu ku ahaa qaran ka Somaliland, iyada oo labada odayba canaanta wada leeyihin, hadana somalidu waxay tidhaahdaa, ( hadii qooni timaado qardabo hadhay), sidaa darteed gudoomiyaha (Cirro) hadii uu ku gafay ku xigeen kiisu inuu gacan qaadaa milgihiisa may ahayn, laf jabka ugu wayna waxa uu ahaa markii laga daawaday warbaahinta gudoomiyiihii oo feedh ku garaacaya ku xigeenkiisa.  Muuqaal kaasi waxay su’aal galinaysaa, adkaysiga iyo taxamulka uu qofku u yeelan karo culayska siyaasadeed.

Waxaa dareen keeda leh, iyada oo haldoorkii xisbiga Wadani si qayaxan ay ugu taageereen gacan-kahadalkii gudoomiyahooda, waxay taasi tilmaamaysaa in xisbiga wadani isu raacsan yihiin gafka gacan ka hadalka gudoomiyohooda waana arrin khalad ku ah curfiga siyaasadeed ee Somaliland, xisbiga wadani waxaynu waydiinaynaa xilalka qaranka miyaan lagu iman doorasho.    Madaxwaynaha, ku xigeenka, xildhibaanada iyo shir gudoon kooduba miyaanu distoorku qeexayn inay ku imanayaan doorasho mise kursiga wadani ku fadhiistaa waa lama taabtaan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories