HomeXisbiga Waddani Oo Eedo U Jeediyey Xisbiga Kulmiye Oo Olole Ka Bilaabay...

Xisbiga Waddani Oo Eedo U Jeediyey Xisbiga Kulmiye Oo Olole Ka Bilaabay Gobolada Galbeedka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa cambaareeyey olole aan wakhtigiisa aan la gaadhin oo xisbiga Kulmiye uu ka bilaabay gobolada galbeedka ee Awdal iyo Gabiley.

Afhayeenku waxa uu ku eedeeyey xisbiga Waddani inuu ololahaasi u isticmaalayo hantidii umadda ka dhaxaysay, taasina ay tahay gef sharci oo loo baahan yahay in xisbiga Kulmiye uu joojiyo, kuna soo noqdo saaxada siyaasada.

Ibraahim Mahdi Buubaa, Afhayeenka xisbiga Waddani waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxa aynu la soconaa in Kulmiye Gobolada Galbeedka ama Awdal iyo Gabiley olole aan sharciga waafaqsanayn oo baalmarsan nidaamkii qarankan u dagsanaa iyo nidaamkii doorashooyinka u dagsanaa labadaba, ololahaa xisbi ahaan waanu cambaaraynaynaa, waxaananu leenahay idinka oo ah xisbul xaakimkii anaguna aanu nahay xisbigii Mucaaridka ahaa waxay idinku tahay ceeb inaanu idinka barino ku soo noqda saaxada siyaasada oo gefka sharci ee aad samaynaysaan joojiya. Waxaad xataa ka warhaysaan in loo fasaxay fagaarayaashii Khayriyooyinka ee magaalooyinka Gabiley, Boorama, Wajaale, Alaybaday iyo kuwo kale oo farabadanba.

Buubaa-1Halka xisbiga Waddani xafiisyadiisa hortiisa loogu diido, iyadoo badhasaabada iyo Bileyska loo adeegsanayo inay shacabka taageerayaashooda ah kala hadlaan.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaasi ku daray “Waxa shalay iyo doraad Madaxtooyada ka kala baxay kooxo (teams) ugu yaraan sideed iyo toban gaadhi loo kireeyey, waxa lagu ambabixiyey hantidii qarankani lahaa oo aan miisaaniyada qaranka ku soo aroorin, waana in adeega ay qabato xukuumadu ay noqotaa mid ku soo arooray miisaaniyada qarankani leeyahay, hantida lagu adeegsanayo ololuhu waa mid aan ku soo aroorin miisaaniyada qaranka waxaanay kor u dhaaftay hal milyan oo dollar, waxaana loogu talo galay kooxahaasi inay bari iyo galbeed u kala baxaan oo ay sawiro ka soo qaadaan makhsin makhsinka iyo humaaga beenta ah ee ay leeyihiin waa waxqabadkii xukuumada Kulmiye ay soo sawirayaan ama ay soo samaynaysaa, waxaanay arintaasi muujinaysaa sida aan loogu aabo yeelayn iyadoo dadkeenii abaar iyo biyo la’aan iyo xoolihii oo ka baxay intuba ay isugu darsameen hadana aan loogu aabo yeelay ee dhaqaalihii yaraa ee khasnada qaranka ku jiray si fawaaxish ah loo boobayo oo loola baxayo ee loogu ololaynayo xisbiga lagu hungoobay taladiisii ee hore loo soo tijaabiyey.

Markay arintaasi ku dhaqaaqeen waxaanu anaguna go’aansanay inaanu ka daba dhaqaaqno, anaga oo xisbi mucaarida ah, oo adeegsanayna hantida iyo jeebadaha taageerayaasha xisbiga Waddani, qurbaha haday joogaan iyo dalka gudihiisaba haday joogaan, waxaanu ka daba diri doonaa tiimam bari iyo galbeedba u kala baxa, isla markaana soo sawira ama soo duuba dhacdooyinka xanuunka badan ee foolxumada leh ee xisbul xaakimka Kulmiye uu qarankan gaadhsiiyey, waxa dhacday iyadoo hantiboobkii qarankani uu sii socdo oo habeenba habeenka ka dambeeya uu sii libin laabmayo in dhulkii yaraa ee ka hadhsanaa Liinka bileyska iyadana dib loo xaraashay, waxa laga iibiyey hantiile magac weyn leh oo aanaan doonayn in magaciisa halkan laga sheego, hadiise ay ka joogsan waayaan hantiileyaasha Somaliland waanu soo bandhigi doonaa mid mid ayaanu magacyadooda u sheegi doonaa mid waliba hantida qaranka ee uu la wareegay ee uu sifaha sharci darada ah uu kula wareegay.

Khasnadihii Kastamada ee Gabiley iyo Saylac waxa laga soo cantoobiyey  lacago ciidaa ka badan oo aan sharciga waafaqsanayn oo si badheedh ah khasnadaasi loogala baxay oo toos loo siiyey amar ka soo baxay maamulka Wasaarada in lagu wareejiyo lacagtaa Kulmiye si ay ugu ololeeyaan gobolada Galbeedka Somaliland ee Gabiley iyo Boorama markii ay marayeen, waxaas oo dhan oo aanu hayno ummadduna aragto waanu ka xishoonaynay in aanu nidhaahno waar is-basriya, oo waliba waar hadaad wax xadayso si tuugo ah is-qariyoo gaadhiga dawlada ee GT-ga ah qariyoo, Agaasimaha Dawlada ee aan sharcigu u ogolayn qariyoo.

Xiliyadii ay mucaaridka ahaayeen xisbiga Kulmiye, waxyaabahaasi aan ka sheekaynayo waa wixii ay dhibsan jireen ee ay sida fiican uga qaylin jireen, markaa maanta inay iyagii ku dhaqmaan, waa arin kale oo foolxumadeeda leh oo aanu ku cambaaraynayno” Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa.

Dhinaca kale Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ka hadlay Wariyeyaal uu sheegay inay ku milmeen siyaasada xisbiga Kulmiye, kuwaas oo xilalna looga magacaabay Xisbiga Kulmiye, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Afhayeenku “Waxa iyaduna dhacdo mucjiso ah noqotay Suxufiyiintii waaweynaa ee Somaliland gaar ahaan suxufigii Macalinka u ahaa Yoonis Cali Nuur, isagoo waliba Telefishanka Qaranka ka mushahar qaata oo ah masuul Qarankan u adeega in oo xeerka Saxaafada iyo Anshaxa Saxaafaduba uu ka reebayo in xisbi gaar ah u ololeeyo uu noqday masuul xisbiga Muxaafidku uu soo magacaabo oo loo magacaabay guddida saxaafada ee xisbiga Kulmiye, waad arkayseen in shalayto shaadhkii iyo macawistiiba ay ka dhaceen wuxuu ku hadlayey Yoonis Cali Nuur, waxaanu leenahay markaad waxaas ku hadasho Yoonisow Caruurtii aad waxbartayna maxaad u malaynaysaa” ayuu yidhi Afhayeen Buubaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories