HomeXisbiga WADDANI Oo Dhismaha Qaranimada Somaliland Ku Xidhay Taageerada Beesha Caalamka

Xisbiga WADDANI Oo Dhismaha Qaranimada Somaliland Ku Xidhay Taageerada Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa shacbiga ugu baaqay inay aanay u hogaansamin banaabaxyada ay Xukuumadda Somaliland ku difaacayso go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho oo beesha caalamku ay Madaxweynaha u soo jeedisay inuu la laabto go’aankaasi.

fadal

Xoghayaha arrimaha dibada xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in beesha caalmku ay tahay halka loo maro aqoonsiga dawladdnimada, waxaanu dawladda Somaliland ku eedeeyay inay jaah-wareerinayso shacbiga.

“Waxaan leeyahay oo aan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland, haddii dawladeenu sharciga ilaalin oo ay ku dhaqmin, haddi xeerka iyo xidhiidhada ay la dhigatay beesha caalamka aanay fulinin wey biyo dhacaysaa. Gobolku (Geeska Afrika) gobol nabad ah, waxaynu aakhirka ku dambayn doonaa in sida meelaha kale ay baahi timaado oo wax dadkeenu diyaar u ahayn oo nabadooda ka shaqaysteen in la geyeysiiyo ayaa iman doonta.” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cismaan Fadal

Dr. Fadal waxa uu intaas ku daray, “Beesha caalamku waa meesha aynu Ictiraafka ka doonayno , Ictiraafka dariiqa loo marayaana waa afartan Safiir ee dalkooda inooga yimi ee la xag-xaganayo, maanta in dawladdeeni ay Mudaharaadka u qaban-qaabiso in beesha caalamka la eedeeyo oo dadka lagu diro, maxaa inoo hadhay?,  yaa inoo hadhay.” ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga WADDANI

Xogayaha arrimaha dibada ee xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal waxa uu baaq u diray shacbiga Somaliland, waxaanu yidhi  “Dadkeenii, waxaanu leenahay waar dadkayagoow beesha caalamka yaan la idinku dirin, iyadaa Ictiraafku ku xidhan yahay, iyadaa (Beesha calaamka) shirarka iyo maalgashiga ganacsatadeenu iskugu imanayaan dhaqaaluhu ku xidhan yahay oo iyagay nabadgelyada iyo wada-shaqayntiinu ku xidhan tahay, iyagay Dimuqraadiyada iyo dawladdnimada la dhisayaa ku xidhan tahay. Waar  qof aan qori inagu qabsanin yuu cidla idin taagin.

 

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories