HomeXisbiga WADDANI oo Dhibaato Qaran ku Tilmaamay Musharaxiinta ku Loolamaya KULMIYE

Xisbiga WADDANI oo Dhibaato Qaran ku Tilmaamay Musharaxiinta ku Loolamaya KULMIYE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo maanta xafiiskiisa ugu waramayey  ayaa waxa uu khadlay dhawr qodob oo uu sheegay in ay yihiin dhaliilaha dawladdan islamarkaana waxa uu duray jawaabtii madaxweynaha ee markii uu safarka ka soo laabtay. Boobe waxa kale oo uu nasiib darro qaranka ku habsatay ku sheegay musharixiinta ku baratamaya madaxweynanimada xisbiga Kulmiye.

 

Xogyaha warfaafintu waxa uu ka hadlay safarkii Madaxweynaha ee Ireland, waxaana uu yidhi “Dhibta waynnu arkaynaa oo xukuumadda aynnu aayaha ka sugaynaa waa taas sheekada innoo dhigaysa Ireland baa la tagay. Ireland xukuumad baa ka talisa oo raysal wasaaraye iyo wasiiraba leh, laakiin madaxweynuhu waa madax sharafeed sida Itoobiyadan iyo qaar kaloo badan, qaabka loogu tagayna qaab dawladnimo oo rasmiya muu ahayne qaabab kale oo silloon ayuu ahaa” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

 

 

 

Muj. Boobe isaga oo ka hadlaya dhibaatada baratanka Kulmiye dhexdiisu qaranka ku keeni karo, waxaana uu yidhi “Dhibaatooyinka kale ee qarankan haysataa waa intan doobyaysa ee ku leh waannu sharaxanahay, ee iskood u caashaqay in ay noqdaan madaxweynaha ee aan shacabka aawadii u caashaqin”

 

 

Boobe isaga oo ka hadlaya waftigii komishanka ee la afduubay ayaa waxa uu sheegay in ay ahayd ayaan darro iyo waliba daciifnimo qaranka ku jirta oo macnaheedu tahay dalka in aannay Somaliland dalka meelaha qaar lahayn. Waxa kale oo uu tilmaamay in uu cabsi ka qabo wareejinta haamaha in ay ka timaado cawaaqib xumo oo shicibka qaar rasaas loo dhiibo.

 

Somalilandpost, Hargiesa Office.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories