HomeXisbiga Waddani oo dhaliilay Safarka Madaxweynaha ee Gobollada Galbeedka

Xisbiga Waddani oo dhaliilay Safarka Madaxweynaha ee Gobollada Galbeedka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa dhaliilay Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Gobollada Galbeedka dalka.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa Sabti-dii todobaadkan safar ugu baxay gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, halkaas oo uu kaga Qayb-galay xaflad loo sameeyey qalin-jabinta dufcaddii 19aad ee waxbarashada ka dhammaystay Jaamacadda Camuud, isagoo sidoo kale xadhigga ka jaray buundooyin laga hirgeliyey magaalada Boorama.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama, ayaa habeenimadaas u hoyday caasimadda Gobolka Awdal, isagoo kulamo la qaatay madaxda dhaqanka iyo wax-garadka gobolka. Sidoo kale, Waxa uu madaxweynuhu shalay dib ugu soo laabtay magaalada Gabiley oo uu markii hore dhaafay, halkaas oo uu u hoyday habeenimadii xalay, isagoo kulamo la qaatay madaxda dhaqanka iyo waxgaradka gobolka.

Haddaba, Xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga WADDANI Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa dhaliilay socdaal madaxweynaha isaga oo wax aan loo baahnayn ku tilmaamay kharashka ku baxaya socdaalkiisa.

“Waxaynu u baahan nahay inaynu dalkeena qorsheyaal u samaynayo oo aynaan ku masqhquulin safarrada aynu Malaayiinta ku bixinayno, Calamada iyo Sawirrada Madaxweynaha iyo Roogagga cascas ee aynu dhigayno”, sidaas ayuu yidhi Xoghaye Bashiir.

Bashiir oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxay dantu ku jirtaa inaynu Hay’adaheena Dawladda dhisano, in Madaxdu ay Gobollada dalka u tagto inay soo qiimayso adeeggii Caafimaadka iyo kii Biyaha iyo kii wasaaradaha ee Meesha ka jiray, in la soo qiimeeyo Saldhigyada Booliska kuwa shaqaynaya iyo kuwa xidhan, in laga gudbo Marxaladda aynu weli ku jirno ee ah inaynu Beelaha iyo Durbaankoodii weli ka shaqaynayno”.

“Safarkaa u dambeeyay sida loo soo dhaweeyay (Madaxweynaha) iyo sidii loo yaacayey waxaad moodaysay Raysal-wasaaraha Shiinaha oo loo ogolaaday Taiwan, laakiin umaynaan baahnayn, waxaynu u baahnayn in isku duwayaasha qaar shaqada laga qaado markay xilkooda gudan waayeen, qaarna la soo dalacsiiyo,” sidaas ayuu yidhi Xoghaye Bashiir.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories