HomeXisbiga Waddani Oo Bilaabay Barnaamijka LA’ AFUR WADDANI Ee Bisha Ramadaan, Deeq...

Xisbiga Waddani Oo Bilaabay Barnaamijka LA’ AFUR WADDANI Ee Bisha Ramadaan, Deeq Raashin Ahna Guddoonsiiyey 151 Qoys oo Danyar ah+Sawiro.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo maanta bilaabay barnaamijka LA’ AFUR WADDANI ee bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa deeq raashin ah ku caawiyey 151qoys oo danyar ah kuwaas oo ku nool magaalada Hargeysa.ddayuu

Deeqdan raashinka ah oo ka boobnayd Daqiiq, Timir iyo Saliid, ayaa qoysaska la guddoonsiiyey ay kala yimaadeen xaafadaha danyarta ah ee Sheekh Nuur, Daami, Cakaara iyo Isteet Howska(State House) ee magaalada Hargeysa, waxaana bixintii deeqdan oo saaka lagu qabtay xarunta dhaxe ee xisbiga Waddani, ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Hoggaanka, Guddida Fulinta, Garabka Haweenka, Dhalinyarada iyo sida oo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Waddani.

Xoghayaha arrimaha gudaha Xisbiga Waddani Md.Mustafe Qodax oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in iyaga oo xisbi mucaarad ah ay danyarta ku caawiyaan raashinkan bisha ramadaan awgeed.deeee

“Iyada oo aynu ku jirno bishii barakaysnayd ee Ramadaan, ayaa saaka waxaa aynu halkan u joognaa iyada oo goobta ay ku sugan yihiin saraakiishii ugu sar-sareysay Xisbiga Waddani in aynu walaalaheena danyarta ah, weliba ku jooga caasimada Hargeysa in aynu bal deeq yar oo raashin oo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee dibaddu ay u soo garteen in ay walaalahooda baahan ay barnaamijka la yidhaahdo la afur Waddani in ay ku caawiyaan oo ay xoogaa deeq ah ku gaadhsiiyaan, runtii waanu arkaynaa in waxa aanu meesha soo dhignay ay aad iyo aad u yar yihiin, laakiin waxaa noo farxad ah in aan annaga oo Xisbig mucaarad ah aanan waxba ka hagran dadkayaga”.Ayuu yidhi Mustafe Qodax.oiu

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey deeqdan, waxaana uu tilmaamay in ay soo bixiyeen taageerayaasha Xisbiga Waddani ee dalka dibaddiisa joogta isla-mar-ahaantaana loogu talo-galay in barnaamijka LA’ AFUR WADDANI ee bisha Ramadaan ay kala qeyb-qaataan dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Hargysa, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in barjaamijkan iyo caawimadan sida oo kale la gaadhsiin doono guud ahaan goballada dalka oo dhan.

“Sida aad ka wada warqabtaan, waxaan ku jirnaa bishii barakeysnayd ee Ramadaan, waxaana sunaheena iyo dhaqanka wanaagsanba ka mid ah in la isu naxariisto bisha Ramadaan haddii Alleh ka dhigo, waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqaynaa taageerayaasha Qurbaha jooga ee Xisbiga Waddani oo ka fekeray in ay aas-aasaan barnaamijkan la yidhaahdo “LA’ AFUR WADDANI”, oo ay ugu talo galn walaalaheena danyarta ah ee reer Somaliland intii ay gaadhi karayaan ee awoodoodu saamaxdo in la siiyo afur kooban inta ay Ramadaantu socoto, waxaana barnaamijkan LA’ AFUR WADDANI oo uu fikirkiisa la haa walaalkeen Anwar iyo dhammaanba hablo, dhalinyaro iyo odeyaal iyo intii kale ee la qaatay aad ayaan ugu mahad-naqaynaa”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa Muxsiniintii deeqdan soo bixiyey uga mahad-celiyey caawimada ay soo caawiyeen walaalahooda danyarta ah, waxaana uu sida oo kale soo jeediyey in barnaamijkani u furan yahay cid kasta oo diyaar u ah in ay ka qeyb-qaadato waxii khayr ah.

“Waxaana barnaamijkaas ay qolada qurbaha joogtaa u soo wakiisheen Layla oo hada ila joogta, waxii na soo gaadhayna waxaanu ku go’aan sanay in aan inta ugu yar ee suurta galka ah ay nagula afuraan inta ugu danyarta ah, waxaana magaalada Hargeysa aanu 151qoys aanu ka soo xulnay oo bilow ah, Xaafada Daami, Xaafada Sheekh Nuur, Xaafada Cakaara iyo Xaafada State House-ka. Hargeysa intaas waa ay ka balaadhan tahay oo waa aynu ognahay, dadka baahana intaa waa ay ka badan yihiin, laakiin waxaan isleeyahay bilow wanaagsan weeyaan, qof kasta oo qurbaha jooga barnaamijkaasi waa uu u furan yahay, dhammaanba gobalada barnaamijkaas waanu gaadhsiinaynaa sida ugu dhakhsaha badan, waana ay qorsheysan yihiin iyo qoysaskii loo geyn laha dadkaa aadka u danyarta ah ee munaasibka ku ah, cidii aan taageerayaasha Waddani ahayn  iyada lafteedu ka qeyb galaysana waan ku soo dhaweynaynaa”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha garabka haweenka Xisbiga Waddani ee magaalada Bristol Layla Muuse Yuusuf (Qulumbe), sida oo kalena ay jaaliyada qurba-joogta ah ee taageerayaasha Waddani u soo wakiisheen deeqdan oo iyaduna halkaas ka hadashay, waxaana ay tidhi:

“Aniga oo ka wakiil ah dadkii Muxsiniinta ahaa ee taageerayaasha Waddani, waxaan halkan ugu duceynayaa dadkaas Muxsiniinta ah oo ka soo qeyb-qaatay sadaqadan ama raashinkan la siinaayo dadkooda baahan ee aadka u jilicsan kana midka yihiin dadka curyaamiinta ahi Illaahay ayuunbaa dadka wax-gaadhsiiya e’ intii awoodayada ah waanu isku daynay in aanu gaadhsiino laakiin intii karaankyaga ah waanu gaadhsiinaynaa, wadanka oo dhanna waanu gaadhsiinaynaa iyada oo maanta laga bilaabay Hargeysa.Waxaana aan ilaahay ka baryeyaa in uu dadkaas sadaqada la soo baxay uu Illaahay halkii ay soo saareen ugu bedelo ajar iyo xasanaad iyo wax san Insha Allah”.Ayey tidhi Layla Muuse Qulumbe.

Mid ka mid ah dadkii halkaas deeqda raashinka ah lagu caawiyey oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxaa uu si aada ugu mahad-celiyey deeqdan uu Xisbiga Waddani uu ku caawiyey dadka danyarta ah, waxaana uu Illaahay uga baryey in uu u rumeeyo himilada iyo hadafka ay leeyihiin, waxaana uu yidhi:”Aad ayaan ugu faraxsanahay in Xisbiga Waddani uu deeqdan na soo gaadhsiiyo, waxaanan leeyahay Illaahay ha idin siiyo rajada aad doonaysaana Saa’imiinta caawa afuraysa ee xoogiini iyo tamartiiniiba ku afuraysa Illaahay dareenkooda ha idiin rumeeyo, himigeena fog iyo ka dhobana Alleh ha inna wada gaadhsiiyo, aad ayaad u mahadsan tihiin”.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories