HomeXisbiga Waddani oo Aqbalay Murashaxnimada Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Bookh oo cududdiisa soo...

Xisbiga Waddani oo Aqbalay Murashaxnimada Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Bookh oo cududdiisa soo bandhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Mid ka mid ah Beelaha dega Gobolka Gabiley, ayaa Munaasibad ay ku qabteen Magaalada Hargeysa waxay ku shaaciyeen inuu Beel ahaan uu doorashada Golaha Wakiillada Somaliland uga qayb-galayo Musharrax Maxamed Cabdillaahi Bookh oo ka mid ah siyaasiyiinta Magaca ku leh Gobolkaasi.

Munaasibad shaacinta Musharrax Bookh, ayaa waxa ka qayb-galay Madax-dhaqameed, Waxgarad, Siyaasiyiin, dhallinyaro, Aqoonyahannada Beesha qaarkood iyo Masuuliyiin ka socday Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kuwaasi oo halkaa kaga dhawaaqay inay xisbi ahaan aqbaleen Musharaxnimada Bookh, kuna soo dhaweynayaan Xisbiga.

blankUgu horrayn, xubno ka mid ah Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Aqoonyahannada Beesha uu Musharraxu ka soo jeedo oo halkaa ka hadlay, ayaa isaga daba-maray sida ay Beel ahaan u garab taagan yihiin Musharrax Maxamed Cabdillaahi Bookh “Waxaan u malaynayaa, Xisbiga WADDANI Maanta ayuu Galbeedka ruxud ku yeeshay, idinkana waa idiin bishaaro, sidaas darteed waxaad si milgo leh, oo aan kala hadh lahayn nooga guddoontaan Musharrax Maxamed Cabdillaahi Bookh, kuna talo-galo inaanu idiin wadno Beeshii oo dhan..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Aqoonyahannada Beesha uu ka soo jeedo Musharraxu.

Xubin ka mid ah Madax-dhaqameedka oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu Garbaha ku sidnaa Hadyeddii u qaalisanayd oo ah Musharrax Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh)..”

Mid ka mid ah Waxgaradka Beesha ku dhawaaqday Musharraxooda, ayaa isaguna yidhi “Kulmiye markaanu soo saaraynay, ninkii hoggaaminayey wuxuu ahaa Ninkan (Bookh) ee aanu raacsanayn, Maantana siyaasaddu dirawal bay leedahay, markaa waxaanu isla soo doonanay dirawalkii iyo gaadhigii.”

Axmed Jaambiir Suldaan oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxay Indho arkayaan ayay Ilko gooyaan, sidaasi darteed isagu nin kala door-dooranayo maaha, waa nin Aanu aqbalayno (Xisbi ahaan)..”

Xoghayaha Shaqaalaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaad Tusaale nool u tihiin, maadaama oo ay weli Xaafaduhu doorashada leeyihiin, inay keenaan Xildhibaan Bookh oo kale ah oo Dadka la kala shaandheeyo oo la hubo oo Qofka kartidiisa la hubiyo, inuu yahay qof isku filan oo aanu Golaha Wakiillada u shaqo tagayn…”

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo isaguna ka mid ah Xisbiga WADDANI ayaa isaguna Munaasibadda ka sheegay “Aamin inoo dhaha in Ilaahay Ninkaa Bookh innagu asturo..” ayuu yidhi.

Cabdalle Sandheere oo ka mid ah Saraakiisha sar-sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa isaguna yidhi “Bookh waxaanu ku qaadanay Duuduub..”

Ugu dambayn, waxa halkaa ka hadlay Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh) oo Musharraxnimadiisa la shaacinayey, waxaanu yidhi “WADDANI iyo Gabiley waalla ogaa, laakiin way is beddeshay oo waanu soo taabanay xaqiiqda, kolay Bani-aadamka way khaldamaan, laakiin waxa loo baahan yahay inaynu ku cibro-qaadan Qaladkii hore ee aynu galnay oo aynu Maanta sidaa aynu isku raacnay iyo Duuduub, hadday Baarlamaan noqoto, Gole deegaan hadday noqoto iyo hadday Madaxweyne noqoto, sidaa aynu isugu raacnay aynu iskugu raacno (WADDAN) diyaar u nahay”.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories