HomeXisbiga WADDANI hadduu naga joojin waayo Cayda iyo Aflagaaddada, seefaha ayaanu isu...

Xisbiga WADDANI hadduu naga joojin waayo Cayda iyo Aflagaaddada, seefaha ayaanu isu Afeysanaynaa” – Xisbiga UCID

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

gudoomiye ku xigeenka 2aad ee UCID cabdirashiid basbaasHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Basbaas, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI caadaystay aflagaaddada iyo cayda Xisbigiisa, waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan aflagaaddadaas oo uu tilmaamay mid aan loo dul-qaadan karin.

Guddoomiye Cabdirashiid Xasan waxa uu sheegay inaanay Xisbi ahaan u adkaysan karin eedaha uga yimaadda Xisbiga WADDANI, sidaas awgeedna hadday joojiyaan waayaan ay xisbi ahaan qaadan doonaan tallaabo kasta oo ay kaga jawaabayaan waxa uu ku tilmaamay Cayda iyo Aflagaaddada xisbiga WADDANI uga yimaad.

MR Cabdirashiid oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey dedaallo ka dhex socda Golaha Guurtida oo xal loogu raadinayo khilaafka qabsoomidda doorashooyinka ee ay isku maan-dhaafsan yihiin Xisbiyada siyaasada Somaliland. 

Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa hore ugu heshiiyey in doorashooyinku ka qabsoomaan dalka dhammaadka sannadkan iyadoo markii hore loo qoodeeyey horaanta sannadka 2019-ka, balse waxa go’aankaas ka biyo-diiday Xisbiga mucaaradka ee WADDANI oo muddooyinkii u dambeeyey bannaanka ka joogay kulamo arrimaha doorashooyinka lagaga hadlayey oo u socday Axsaabta qaranka, kuwaas oo ay ku kaliyeysteen xisbiyada UCID iyo KULMIYE.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA SIYAASI CABDIRASHIID XASAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories