HomeXisbiga Ugu Faca Weyn Afrika oo Xisbiga Kulmiye Kala Shaqaynaya Dhismaha Dugsi...

Xisbiga Ugu Faca Weyn Afrika oo Xisbiga Kulmiye Kala Shaqaynaya Dhismaha Dugsi Lagu Barto Hogaaminta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Pretoria  (SLpost)- Xisbiga ANC ee ka dhisan.dalka Koonfur africa oo lagu tilmaamo ka ugu Da’da weyn Axsaabta Siyaasada Qaarada Africa, ayaa la sheegay inuu dhinaca Horumarinta dhaqaalaha ka caawin doono Xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye.

Wakiilka Dowladda Somaliland u fadhiya Koonfur Africa Ambasador Axmed Jaamac oo ka warameyey xidhiidhka saaxiibtinimo  ee ka dhexeya Somaliland iyo Koonfur Galbeed ayaa faah-faahin ka bixiyayay natiijada ka dhalatey heshiis wadashaqeyneyd oo ay kala saxiixdeen sanadkii hore 2021 labada xisbi ee  ANC iyo Kulmiye,isaga oo sheegay in Xisbiga ANC kala shaqeyn doono Xisbiga Kulmiye sidii uu u yeelan lahaa garab dhaqaale ,iyo iskuul lagu barto Hogaaminta siyaasada ,(School of leadership),kaas oo ku xidhnaan doona  O R iTambo School of Leadership oo ah iskuul ay ka soo baxaan siyaasiyiinta Xisbiga ANC.

Ambassador Axmed Jaamac waxa kale, oo uu ka waramey waxyaabihii u hir-galey muddadii uu joogey safaarada Somaliland ku leedahay Koonfur Africa ,isaga oo arrimahaas  faah-faahinaya waxa uu yiri; “Muddadii aanu joognay Safaarada waxa noo hirgalay inaan sameynay maal-gelin, oo aan isku xidhnay dadka ganacsatada ee Koonfur Afrika inay tagaan Somaliland, waxaanu geynay Somaliland 15 Wefti oo ka kooban ganacsato maalgashadayaal Koonfur Afrikana, Waxa kale oo aan Somaliland geynay tobban wefti oo ka kooban Xisbiyada waddankan Koonfur Afrika iyo dad Siyaasiyiina, taas oo isku soo dhaweysay laba waddan. Somaliland waxa ka yimi in ka baddan 25  Wefti saddexda sannadood ee aynu soo dhaafnay”.

Wakiilka Somaliland ee Koonfur Afrika Ambassador Axmed Jaamac ayaa sheegay inay Heshiis wada shaqeynayd ay Kala saxeexdeen Xisbiga ugu da’a weyn Qaarada Afrika ee ANC iyo Xisbiga talada dalka Somaliland haya ee KULMIYE,iyada oo si wada-jira loo magacaabay guddiyo laba dhinac ah, “Xisbiga ANC ee Koonfur Afrika iyo Xisbiga KULMIYE ayaa kala saxeexday heshiis wada shaqeynayd dabayaaqadii sannadkii tagay 2021-kii,kuwaas oo halkaasi ku sameeyey guddi ka kooban 8-xubnood oo min Afar xubnood ka kooban. waxaanay shaqadii ugu horeysay ay bilaabeen bishii November ee sannadkii 2021-kii,” ayuu yidhi safiirku.

Ambassador Axmed Jaamac oo ka hadlayay sababta uu Xisbiga ANC heshiiskan uu u la saxeexday Xisbiga KULMIYE, ayaa waxa uu yidhi “Xisbiga KULMIYE waa Xisbiga kaliya ee laba door oo isku xiga ku Guuleystay doorashada Madaxtinimada Somaliland, isaga oo ay isku bedeleen laba Madaxweyne oo kala ah Madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Madaxweynahan imika talada waddanka haya Md. Muuse Biixi Cabdi, taasina waxay caddayn u tahay kalsoonida ay bulshadu ku qabaan. Xisbiga ANC waxay rajo-gelisay in Xisbiga KULMIYE uu noqon doono Mustaqbalka ka ugu faca-weyn Geeska Afrika”.

“Xisbiga ANC isaga oo taas ka duulaya waxa uu kala shaqeyn doonaa Xisbiga KULMIYE sidii uu u yeelan lahaa garabka dhaqaalaha, sidii Xibiga KULMIYE u yeelan lahaa Iskuul lagu barto Siyaasadda ‘KULMIYE School Of Leader ship, kaas oo xidhiidh wada shaqeynayd la yeelan doonaa O R Tambo school of Leadership oo ah  Iskuulka Siyaasadda ee Xisbiga ANC ay ka soo baxaan,” Ayuu yidhi Ambassador Axmed Jaamac oo caawa khadka Telefoonka ugu waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews

Xisbiga ugu faca-weyn qarada Afrika ee African National Congress ‘ANC, waxa la Aasaasay 8 Jenuawary 1912-kii, waxaanu bishii kowaad ee sannadkan 2022 u dabaal-degay sannad-guuradii 110aad ee ka soo wareegtay Aasaaskiisi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories