Home“Xisbiga UCID waxaa uu Wasaarada Duulista Iyo Hawada ugu baaqayaa Inay si...

“Xisbiga UCID waxaa uu Wasaarada Duulista Iyo Hawada ugu baaqayaa Inay si Deg-deg ah u Caddeyso Shirkadda la Tahriibinayo ee…”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ucidHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland ku eedeeyey inuu Heshiis la galay shirkad musalaftay oo laga leeyahay dalka Maraykanka isl amarkaana uu isagu dusha u ridan doono masuuliyadda dhibaatada ka timaadda shirkaddaas.

Shirkaddan oo magaceeda la yidhaahda ATA airlines, waxa uu xisbiga UCID ujeeddada imaanshiheeda Somaliland ku tilmaamay mid la xidhiidha sidii shirkaddaasi oo magaca Somaliland xambaarsan dib ugaga hawl-gali lahayd adduunka gaar ahaan Maraykanka oo hantideeda la wareegay.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Keyse Cabdillahi, kaas oo u dhignaa sidan: “Waxaa dhawaan dalka lagu soo galbiyay wefdi ka socday maamulka shirkadda cusub ee la yidhaa “ATA Airlines” oo ay horkacayeen niman reer Somaliland ah iyagoo dalka iyo dadkaba ugu Bushaaraynayay in ay ku soo kordhiyeen shirkad lagu raaci doono qiimo jaban lagana heli doono adeegyo/suuban.

Haddaba waxaan rabnaa in aanu xaqiiqda shirkaddan Soo ban-dhigno maadama ay Geeska Afrika baryahan danbe ay ku soo kordheen budhcad noocya badan oo ay gadhwadeen ka yihiin niman aynu saanta iyo muuqaalkaba wadaagno hase ahaate aynu kala fognahay damiir iyo dadnimaba.

Sidaa Awgeed shirkadan la yidhaa “ATA Airlines” waa shirkadaha nooca loo yaqaan (Charter Airlines) oo ah noocyada cid walba kiraysan karto oo dano gaar ah leh, sida xamuul (Cargo) ama adeegga deg-degga ee Ambulance ama Ganacsi ahaan loo kiraysto, dawlad iyo shicib-ba, taas oo ka duwan diyaaradahan haatan aynu raacno oo loo yaqaan (Individual Aircraft Seats) oo ku salaysan ganacsigoodu kursi iibis (selling seats).

Xarunta diyaaradan waxay ahayd (Indianapolis, Indiana). Markay taariikhdu ahayd bishii April labadeedii 2008 ayuu maamulkii diyaaradani buuxiyay kiis ah inuu kacay isagoo cuskanaya qodobka daryeelka 11aad ee xeerka kicitaanka ama (fallaska) ee Maraykanka sababtana ka dhigay khasaaro badan oo soo gaadhay. Shirkadan ATA waxay ka hoos shaqaysan jirtay (Sub-Contractor) shirkada Fedex Express oo xamuul u qaadi jirtay ciidanka Maraykanka. Duulimaadkii ugu danbeeyay ee ATA waxa u ahaa socdaalka lambarkiisu ahaa 4586 ee ka kacay Honolulu ilaa Phoenix iyagoo dib uga dhacay waqtigii la rabay inay kacdo 2 saacadood. Sidaa darted waxay shaaca ka qaadeen in ay dhammaan joojiyeen wixii adeeg shaqo ahaa marka laga bilaabo 4.00 subaxnimo ee ay bishu ahayd 3-dii April 2008.

Shirkad kale oo la yidhaa Southwest Airlines ayaa ku iibsatay iyagoo wali ku jira qodobkii Fallasaada ama kicitaanka ee 11 xeerka Maraykanka qiimo gaadhaya 7.5 milyan Doolar taas oo ay ku hantiyeen dhamaan wixii ay hanti lahayd (Assets) oo ay ku jirto rukhsadii dhaqdhaqaaqu.

Waxaa halkaa ka cad in shirkaddu amaah (debt) ku jirto oo aan loo ogolayn inay magaceeda ku shaqaysato. Sirta ugu wayn ee ay ka damacsan yihiin inay ku shaqaystaan ay tahay magaca qaranka Somaliland si ay ugu suurtagasho inay saamiyo ka iibsadaan kana ganacsadaan suuqyada saamiyada caalamka (stock exchange) ee London ama US ama si gaar ahna suuqa saamiyada ee loo yaqaan AIM oo ay dhamaan ku jiraan shirkadihii shidaalka Somaliland iibsaday baloogyadooda.

Ha hilmaamin, heshiiskii Somaliland iyo Somaaliya dhex maray dhanka hawada, taas oo shirkadan siinaysa saami ay kula gorgortanto qaybsigaas iyadoo matalaysa magaca Somaliland.

Haddaba, Su’aashu waxay tahay miyayna ogayn masuuliyiinta horkacayay xaqiiqada shirkadan la doonayo in loo loodiyo hantida qaranka (Somaliland National Carrier Flag Licence)? Jawaabtu waxa weeye way ogyihiin.

Mana Garaneyno Sababta Shacbiga Somaliland Loogu Qarinayo Shirkaddan Waa Hore Lalaabatey,

Xisbiga UCID waxaa uu Wasaarada Duulista Iyo Hawada Ugu Baaqayaa In si Deg Deg Ah Ugu Cadeyso Shacbiga Shirkadan la Tahriibinayo ee Aan Sifaha Sharciga ah Soo Marin.

Xisbiga UCID wuxuu Shacbiga Somaliland u caddaynayaa in Wasiirka Duulista Iyo Hawada Maxamuud Xaashi Masuul Ka Noqon doono khiyaamada Shirkada Sheegata [ATA airlines] si ay ugu shaqaysato magaca masuuliyadda Hawada Somaliland.”

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories