Home“Xisbiga UCID Waxa Maalin Walba La Jarayey Xidid Iyo Xubin ka Mid...

“Xisbiga UCID Waxa Maalin Walba La Jarayey Xidid Iyo Xubin ka Mid ah” Cabdirashiid Xasan Mataan oo Iscasillay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargaysa(SLpost)- Murrashaxii madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Ucid Md Cabdirashiid Xassan Mataan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii murrashaxnimo ee xisbiga Ucid. Mudane Mataan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka waramay waxa ku kalifay iscasilaadiisa isaga oo ka soo sheekeeyay khilaaf hore uga dhexeeyay musharaxa madaxweyne iyo gudoomiyaha xisbiga UCID.

Mr Mataan ayaa sheegay in uu hawl iyo shaqo badan galiyey xisbiga islamarkaana uu imika carqaladdo ka hor yimid uu isku casillay “Waxaan tacab badan galiyey sidii xisbiga Somaliland u noqon lahaa xisbiga badbaadada Somaliland, waxaanse ka xumahay in aan xisbigii laftiisa ka badbaadin kari waayey shirqool uu qayb ka yahay guddoomiye Faysal islamarkaana aannu isku aragti ka noqon waynay musharax Jamaal Cali Xuseen badbaada Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID. Haddaba anigu qof ahaan waxaan ku qancay in aannan wakhti intaa ka badan ka sii lumin Karin shacabkii ku qanacsanaa hogaamintayda iyo taageerayaashayda, waxaanan halkan ka cadaynayaa in aan kala baxay musharaxnimadaydii xisbiga cadaalada iyo daryeelka islamarkaana aan kala baxay xubinimadii Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka”

 

Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu ka waramay khilaaf la kawsadday musharaxnimadooda oo u dhexeeya madaxda xisbiga, waxaanna uu yidhi “Khilaafka xisbigu maaha mid cusub ee waa mid la dhashay markii uu xisbigu ka soo baxay doorashadii 2012 ee uu ku soo baxay musharaxnimadayadii iyo codkii uu shacabku na siiyey. Khilaafkaasi waxa uu kali ku ahaa guddoomiye Faysal iyo musharax Jamaal Cali Xuseen, Waxa aannu wakhti badan galinnay in aannu xalinno hase ahaatee dagaalo badan oo xisbiga ka dhex jiray ayaa suurtogalinayey in ay sii kala fogaadaan, taasoo ay iyaga laftoodu qayb ka ahaayeen. Markaan soo koobana xisbigu waxa maalin walba la jarayey xidid iyo xubin ka mid ah”

Musharax is casillay waxa uu gudoomiyaha Xisbiga UCID ku eedeeyay in uu afduub loo soo maleegay xisbiga uu isagu horseed ka yahay oo la adeegsanayo “Dabayaaqadii bishii inna dhaaftay ee Oktoobar waxa bilaabmay afduubkii xisbiga Kulmiye oo laba waji ahaa, wajigii koowaad waad ogtihiin oo wuu soo dhammaaday, wajiga labaadna waa mid loo adeegsanayo Eng Faysal Cali Waraabe burburinta xisbiga UCID si aannu u noqon mid tartan lagu gali karo. Markaa guuxa iyo shirarka aad maqlayseen ee aannay ka soo bixin warar sugan waxay ahaayeen in laga badbaadin karo xisbiga burbur iyada oo lagu raadinayo sharci iyo iyada oo lagu raadinayo mid dhaqanb”

Waxa qormaysa taariikh, Eng Faysal Cali Waraabe laba jeer buu tartamay oo ku guul daraystay. Taariikh fiican bay u noqon lahayd in sidii uu heshiiska ku galay ee lagu ansixiyey xisbigii New UCID uu daacad u noqdo kuna fulliyo. Haseyeeshee, waxa uu ka doorbiday taariikh madaw iyo khiyaamo. Isaga oo loo adeegsaday in uu si rasmi ah u xabaalo xisbiga UCID oo noqonaya xisbigii labaad ee intii uu hayey talada la burburiyo” ayuu yidhi Mr Mataan.

 

Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sheegay in maadaama oo uu iska casillay musharaxnimadii xisbiga UCID aannay macneheedu ahayn in uu siyaasadda ka baxayo, balse waxa uu sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu dalkiisa iyo dadkiisa waxa u tari lahaa “Siyaasadda waxa aan u soo galay in aan dadka iyo dalka wax tari karo, haddii aan badbaadin kari waayey xisbigii UCID, ma ihi qof ku qancaya qof ku qancaya ama ku niyad jabaya walina way ii furan tahay in aan ka shaqeeyo fursaddo kale oo aan dalkayga iyo dadkayga wax ku tari karaa, Si aynnu u xaqiijinno himiladeenna ah ay Somaliland noqoto dal ay ka hirgasho dal ay hirgasho dawladnimo noolaysa rajada da’yarta iyo in aynnu ka mid noqono beesha caalamka” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Cabdirashiid Xasan Mataan.

 

Somalilandpost.net, Hargeysa Office

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories