HomeXisbiga UCID oo Xukuumadda Kulmiye ku Dhaliilay Waayo-aragnimo iyo tayo-la’aan Haysta Golaha...

Xisbiga UCID oo Xukuumadda Kulmiye ku Dhaliilay Waayo-aragnimo iyo tayo-la’aan Haysta Golaha Wasiirrada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inay ku baraarugto dhawaaqa Dawladda Ingiriisku kaga digtay xaalad amni-darro oo Somaliland ku soo fool-leh.

Xisbiga UCID waxa uu sheegay inay jiraan dib-u-dhacyo ku yimi siyaasadaha Arrimaha Gudaha iyo debedda ee Somaliland muddadii xisbiga Kulmiye talada dalka hayey, iyaga oo taas ku sababeeyey waayo-aragnimo la’aan haysa golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

UCID_MingisteSidaa Waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xog-hayaha Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID Cabdi Maxmed Saleiman (Mingiste), kaas oo u dhignaa sidan : “Waa wax laga naxo,laga xishoodo,lala yaabo  in maanta Wasarada arimaha dibada ee Somaliland ay bogga Internet-ka ee Xafiiska arimaha dibada ee UK ay ka ogaato in dalkeeda laga saarayo dadkii ka shaqaynayey

Waa cadaan  intii Xukuumada Kulmiye ay hogaanka wadanka haysay in Siyaasada arimaha dibada iyo Siyaasada  arimaha gudaha ee Somaliland ay ku timid dib u dhac iyo jaha wareeg aan hore inoo soo marin intii ay Somalilnd jirtay.Dib u dhaca iyo fashilka Siyaasada dibada iyo gadaha ku yimid waxaa sabab u ah arimahan hoos ku qoran :-

1. Waa cadaan in  guud ahaan Golaha Wasiirada ee maanta jiraa, uu yahay Golahii ugu khibrada iyo aqoonta yaraa ee soo mara Somaliland intii ay jiraty.

2. Golaha Wasiirada ee maanta jira,laguma soo xulin,aqoon iyo waayo aragnimo Siyaasadeed,balse waxaa lagu soo xulaa hab fool xun oo aan dalka iyo dadka midna dani ugu jirin, horena aan inoo soo marin.

3. Somaliland ma laha Wasarada Arimaha Dibada,balse waxaa nin Wasiir ah,oo haba yaraatee aan wax waayo aragnimo ah u lahayn Siyaasada Arimaha Dibada,inta badana ku mashquulsan dano isaga u gaar ah iyo shirar hoosaadyo Somaliland wax weyn u dhimaya.

4. Maalintii ugu horeysay ee Xisbiga Kulmiye la wareegay talada dalka waxaa isla markiiba  shaqada laga eryey, Wasiirkii  arimaha gudaha,Taliyihii Sirdoonka ,Taliyihii Ciidaanka Police-ka,Taliyihii Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta. Erigaa dhmaan Taliyaashii Ciidamada wuxuu keenay in gebi ahaanba uu  burburo isku xidhkii amaanka ee Somaliland (Security network).

5. Wasiirkii iyo Taliyayaashii Ciidamada ee la eryey waxaa lagu soo bedelay shaqsiyaad ,aan haba yaraatee aqoon iyo waayo aragnimo midna u lahay shaqada ay hayaan,kuwaas oo dhamantood ah dad si aan sax ahayn xilkaa culus loogu dhiibay.

Arimahaa aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badan,oo aanu uga xishoonay danta qarannimo,ayaa keenay in maanta la yidhaahdo Somaliland amaan ma aha, hana laga soo daadgureeyo Shaqaalaha Shisheeyaha ah.

Ugu dambayn waxaanu shacabka reer Somaliland ugu baaqaynaa in aanay ku halaynin Xukuumada maanta jirta nabadgelyada wadanka,balse ay dhexda u xidhaan sidii ay u ilaalin lahaayeen nabadii Somaliland ku soo nabad iyo caano maashay,cid walibana ku aamaani jirtay.”

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories