HomeXisbiga UCID oo Xukuumadda iyo Wakiillada ku eedeeyey inay Hagar-daamo ku yihiin...

Xisbiga UCID oo Xukuumadda iyo Wakiillada ku eedeeyey inay Hagar-daamo ku yihiin Qabsoomidda Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Guray) ayaa Xukuumadda talada haysa iyo Golaha Wakiillada ku eedeeyey inaanay oggoleyn doorasho loo dhan yahay oo wakhtiga loo muddeeyey kaga qabsoonta dalka.

Waxa uu ku dooday in Asxaabta Mucaaradka ahi tanaasul badan ka sameeyeen wakhtiga doorashada la qabanayo, sidaas darteedna go’aan kasta oo ka badalan kii Komishanku soo jeediyay ee muddeynta doorashada  oo guurtidu soo saarto aan la aqbali doonin.

Cali Maxamed Yuusuf oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in mucaaradku ku noqon doono mawqifkoodii hore ee ahaa in dawlad wadaag ah la sameeyo wixii ka dambeeya 26 June 2015.

cali-guray“Laba Arrin baynu dunida kula noolayn oo la inagu yaqaanay oo aynu la shir tagi jiray, waxay ahaayeen Dimuqraadiyadda iyo Nabad galyada. Cidda doonaysa labadaas inay burburisaa, miyaanu ahayn shirqool gabi ahaanba lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland, iyadoo laga faa’iidaysanayo xaaladda Liidata ee Madaxweyne Siilaanyo oo aanu ognahay inaanu wax muddo kordhin ah doonayn oo uu waliba raali ka ahaa 26-ka June in doorasho dhacdo,” ayuu yidhi Cali Yuusuf.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Waxaa nasiib wanaag ah oo aad Internet-yada iyo Caalamkaba ku aragteen Shakhsiyaadka aanan hore Magacooda u sheegin ee aan u bixiyay doorasho diidka Somaliland , waa dhawr iyo toban qof oo rag iyo dumar bal eh, waana intaas inta Shirqoolka ka dambeysa. Guurtida maaha, guurtidu waa sidii ay awal ba ahayd  oo Lacag baa loo laabayaa, waxay qaadanayaan Laaluush, go’aankooduna Laaluushkaas buu ku xidhnaanayaa wax ku cusub na maaha.”

Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, waxa uu Wakiilada ku eedeeyay inaanay doorasho diyaar u ahayn, “Qoladan wakiiladu diyaar uma ah doorasho. Golaha wakiilada oo Cabdiraxmaan Cirro Gudoomiye ka yahay ilaa hadda may soo dhigin xeerkii lagu dooran lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.

“Go’aanka la dhawrayaa haddii wixii lagu heshiiyay uu taageero oo ay tahayna inuu taageero oo ay waliba duco raaciyaan dadkoodii oo Khilaafkii ka baxay oo doorasho ku heshiiyay oo gacmaha is haysata oo bulshada Caalamkuna la ogoshahay oo loo wada dhan. Mucaarad ahaan haddii go’aan kii Komishanka ka duwan ka soo baxo Guurtida, waxaa ugu horayn buraya heshiiskii ahaa in 1-da June 2016 doorashadu dhacdo, waxaana dib la iskugu soo noqonayaa halkii laga dhaqaaqay 2 sannadood iyo badh ka hor ee ahaa in haddii doorasho la qaban waayo 26-ka June 2015 inaan Madaxweyne Siilaanyo Madaxweyne noo ahayn, golaha wakiilada aanan aqoonsanayn,” Sidaas ayuu yidhi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories