HomeXisbiga UCID oo Wasiirka Daakhiliga Huwiyey Eedaymo jawaab u ah Dhaliilo uu...

Xisbiga UCID oo Wasiirka Daakhiliga Huwiyey Eedaymo jawaab u ah Dhaliilo uu shalay ku duray Guddoomiye Faysal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

aqHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade ku weeraray Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Xubno Jagooyin sar-sare ka haya Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku tilmaamaay dhaliilo uu shalay Md Warancade ku duray Gudoomiyaha Xisibigooda mid seegan marinkiisa , iyada oo wasiirka ku tilmaamay masuul dayacay hawlihii qaranka uu u hayay, kana  baylah yihiin shaqooyin ka muhiimsan u jawaabista mucaaradka.

Xoghayaha arrimaha bulshada ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Axmed Cali, oo shirkaas Jaraa’id masuuliyiintii ka hadashay ka mid ahaa , ayaa sheegay in cida uu Gudoomiyohoodu la hadlayay ahayd wasiirka Arimaha Didaba Somaliland , laakiin aanay ahayn Wasiirka Arimaha Gudaha, hadalka Wasiirul Daakhiliguna u muuqdo mid seegan marinkiisii.

‘’Waxa wanaagsan marka uu ninku heer wasiir yahay inuu waajibkiisa garto, Faysal wasiirka arrimaha dibada  ayuu u jawaabayey oo cadeeyay inaanay xisbiyada mucaaridka ahi wada-hadallada ka qayb galeyn doorkan oo xaqna uma laha ma wuxuu garan waayey cidda loo jawaabayaa jawaabiye, waxaaanu leenahay wasiir safaarada tobanka talaabo kuu jirta ayay shaqadaadii taalaa, oo muwaadiniintii baasaboorka Somaliland sidatay inta garabka lagu dhufo ayaa kuwa baasaboorka Garoowe sita iyo reer xamar laga siinayaa fiisayaashii.’’

Waxa  uu Mudane Cabdiraxmaan Axmed,  Xog-hayaha Arimaha Bulshada ee Ucid, intaas ku daray . ‘ Shaqadaadu waxa weeyi RRU dadkii shacabka ahaa iyo dawladii  kala dilaysa ee keenaysa khalkhalka iyo  sumcad xumada, inaad wax ka qabato waxaanse  u arkaa wax aad ugu talo gasheen oo in badan baa qaranimada Somaliland iyo ictiraaf raadinteed caqabado iyo wanjalba loo dhigay waana la ogaaday in dalka waxa ilaashanayaa ay yihiin shacabka ee aanay ahayn siyaasiyiin, annagu waxaan u aragnaa sida dadka loo galayo, siyaasadii oo indhaha looga ridayo, amaankii loo khalkhalinayo annagu waxaanu u aragnaa kaarto dadban oo la doonayo in dalka Soomaaliya loogu daro.’’

Xoghaye ku xigeenka arrimaha bulshada ee xisbiga UCID  Xuseen Badmaax, oo isna Shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inaanay Xisbi ahaan aqbali doonin , natiijada ka soo baxda kulanka wufuuda Somaliland  iyo kuwa Soomaaliya ku dhax mari doona wadanka Turkiga. ‘’Shirkaasi haddii sida ay dawladu damacday ee ay ku dhawaaqday u socdo maaha mid la qaadan karo, arrinku waa arrin qaran oo dal baynu dib ula soo noqonay, ciddii aynu kala soo noqonay marka loo tagayo ee wada-hadal ku saabsan qaranimada Somaliland laga wada hadlayo waa qasab in saddexda xisbi qaran ay talo isugu yimaadaan iyo labada gole ee sharci dajintu.Waxaad moodaa sida ay xukuumadu ku waddo inay qarankii Somaliland ka dhigtay gobol ka mid ah Somaliya, xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID wuxuu halkan ka cadaynayaa inaan qaranimada lagu aamini karin, afar wasiir oo carara oo farta loogu yeedho oo waxay meesha la tagayaan aanay cadayn, lagana sii wada tashan.’’

Xuseen Badmaax, Xog- Haye Xigeenka Arimaha Bulshadu , waxa uu ku dheeraaday qaabka iyo hanaanka haboon ee ay tahay in loo wajaho marka ay taagan tahay qadiyada iyo madax banaanida Somaliland, ‘Waxaan la yaabay wasiirka arrimaha dibada oo hadlaayey oo yidhi dawlada ayaa maandhayt u haysata waxa laga yeelaayo madax banaanida Somaliland, golayaasha sharci dajinta, garsoorka iyo saddexda xisbi qaran waa in talo laysugu yimaado marka ay taagan tahay madaxbanaanida Somaliland oo ah mid aan gorgortan marnaba iyo cidnaba aan lagala gali karin, waana mid aanu taladeeda wax ku leenahay.’’

Sida oo kalena wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii wasiirka arimaha guduhu ku weeraray Gudoomiye Faysal, Mudane Badmaax isagoo hadalka sii wata wuxuu yidhi: ‘’ waxa kale oo cajiib ah oo wax lagu qoslo ah wasiirka arrimaha gudaha oo kala garan la xilkii uu masuulka ka ahaa ee arrimaha gudaha iyo xilka uu hayo ee arrimaha dibada, xalay markii uu hadlaayey waxaanu u sheegaynaa wasiirka arrimaha gudaha haddii cidi basaas noqonayso adaa ahaa hanjabaada aad tv-ga ka hanjabaysay adeer maamulka dalka ku hagaaji.’’.

Shirka Jaraa’id ee Masuuliyiinta Ucid ayaa ka dambeysay, kadib markii Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Waran-cadde, uu jawaab ka bixiyey  hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha Xisbig cadaalada iyo Daryeelka ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe , oo sheegay in Hadii xukuumadu ku soo dari weydo asxaabta mucaaradka ah , xubnaha ka qayb gallaya shirka wadahadala Somaliland iyo Somaliya ku dhex mari doona bishan dhexdeeda wadanka Turkiga, ay  Xisbiyada Mucaaradkuna si gaar ah wada hadal ula yeelan doonaan Dowladda Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories