HomeXisbiga Ucid Oo Warmurtiyeed Uu Soo Saaray Ku Sheegay In Aanu Aqoonsan...

Xisbiga Ucid Oo Warmurtiyeed Uu Soo Saaray Ku Sheegay In Aanu Aqoonsan Doonin Heshiiska Wareejinta Haamaha Shidaalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargaysa(SLpost)-)Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa war murtiyeed uu soo saaray maanta ugu baaqay madaxwaynaha Somaliland in uu ixtiraamo go’aanada ay soo saaraan golaha wakiilada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu Xisbigu ku sheegay war-murtiyeedka uu soo saaray in aanu sina u aqoonsanaaan doonin heshiis kasta oo Xukuumadu ku wareejiso Haaamaha Qaranka iyo hantida dowladda Guud ahaanba,waxaanu war-murtiyeedku isaga oo dhamaystiran uqornaa sidan:

War-Murtiyeed Xisbiga UCID Kuna Saabsan Sharci-Darada Lagu Wareejinayo Haamaha Shidaalka Berbera

Sida laga war-qabo, waxa dhowaan Golaha Wakiilada Somaliland uu laaley Heshiis lala galay shirkado gaar loo leeyahay oo ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku wareejinayeen Haamaha Shidaalka Qaranka sifo aan meelna  ka waafaqsanayn Shuruucda iyo Distoorka Dalka, xilli uu dhow yahay tartanka doorashada Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada Somaliland.

Iyadoo la ixtiraamayo fulinta shuruucda dalka, waxa xisbiga UCID ku baaqayaa in Madaxweyne Silaanyo dhowro go’aanka Golaha Wakiiilada, isla markaana uu ka noqdo wixii caqabad ku keeni kara fulinta xeerka la  ansixiyey iyo burinta heshiiskaas,

Tan kale, Go’aan ku celintu waa wax ku cusub saaxadda siyaasadda in Golaha Wakiilada lagu khasbo inay  buriyaan xeer  hore loo ansixiyey, taasoo uu rabo in Madaxweynuhu ku xalaashado Xatooyo xoolo dadweyne iyo boobka haamaha Shidaalka, iyagoo isticmaalaya laaluush siinta damiir laaweyaal ka tirsan golaha Wakiilada oo aan cidna u tudhahayn.Haamaha shidaalkuna  waa  hantida ugu muhiimsan ee aan sinanaba faraha dowladda uga bixi Karin, maadaama ummaddda ay uga soo baxdo dakhli aad iyo aad uga badan tan hadda la rabo in dad gaar ah lacag lagaga qaddinto. Haamaha shidaalku waxay keyd u yihiin shidaalka hay’adaha qaranka sida Ciidamada qalabka, hawlaha gurmadka samafalka iyo adeegga bulshada.

Tan kale, Waxa Xisbiga UCID uga tacsiyeynayaa Golaha Wakiilda, Axsaabta Qaranka iyo guud ahaan  Shacabiga Somaliland, hadal dhowaan ka soo yeedhayGuulwade Saleebaan Siciid Cali oo ku egman Maareeyaha Haamaha Shidaalka, hadalkaas oo nuxurkiisu ahaa CIDNA LOO JOOJIN MAAYO, HAAMAHANA WAA LA WAREEJINAYAA.  Hadalkiisanina waxa uu ka hor imanayaa sidii habboonayd ee uu markii hore uu uga warbixiyey xaaladda runta ah ee jirta iyo faa’idada maaliyadeed  Haamuhu  soo saaraan iyo saamiga lacageed ee ka soo baxda oo uu ku muujiyey in aanay jirin sabab xukuumadda ku kallifta inay cid ku wareejiyaan oo lacag yar ku bedeshaan Hantida intaa le’eg.

Xisbiga UCID, sina uma aqoonsanaaan doono heshiis kasta oo Xukuumadu ku wareejiso Haaamaha Qaranka iyo hantida dowladda Guud ahaanba, waxaanu Xisbiga UCID uga digayaa cid kasta oo heshiis booli ah la gasha xukuumada hadda muddo dhaafka ku fadhida inay mas’uul ka tahay wixii cawaaqib xumo ah ee ay ka mutaan sharciga dalka kuna waayi doonaan wixii hanti kaga baxday.

Sidoo kale, Waxaa Xisbiga UCID ugu baaqayaa shacbiga Somaliland in si waddaniyadi ku jirto dhugmo ugu yeeshaan qarada iyo miisaanka arrinta haamaha shidaalka oo ah waxa keliya ee laga dhaxli doono Xukuumadda Silaanyo, iyadoo laga warwaqo in hanta kor u dhaafaysa  todoba boqol oo hanti qaran ah oo isugu jiray dhul iyo dhismayaal dowladeedba  sifo sharci darro lagu iibsaday, lana siiyey dad si gaar ah loo daneynayo oo meelna aan  lagaga darin Misaaniyaya iyo Qasnadda dowladda toona.

Ugu dambayn, waxa xisbiga UCID u soo jeedinayaa in Muwaadininta Somaliland ilaaliyaan Amniga Qaranka iyo dhowrista sharciga, una diyaar garoobaan in doorashada soo socota oo ah tan kaliya ee aan talada kaga qaadi karno keli talisnimada iyo Hanti boobka Madaxweyne Silaanyo, waxaana idinku boorinaynaa inaad codkiinna siisaan Murashixiinta Madatooyada iyo kuwa golaha Wakiilda ee Xisbiga UCID

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID

Yusuf Kayse Cabdi-laahi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories