HomeXisbiga UCID oo Ururradda Caalamiga ah ee Xuquuqal Iinsaanka uga Ashkatooday Tacaddiyo...

Xisbiga UCID oo Ururradda Caalamiga ah ee Xuquuqal Iinsaanka uga Ashkatooday Tacaddiyo ay ka tirsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa dacwad la xidhiidha tacaddiyo ay ka tirsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo masuul ka tirsan oo laga xidhay u gudbiyey Ururrada Xuquuqal-Iinsaanka ee Caalamiga ah, kuwaas oo jawaabtooda laga sugayo maalmaha soo socda, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Xisbiga oo maanta warbaabinta kula hadlay Hargeysa.

ucidAskhatada Xisbiga UCID ka gudbiyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka dambaysay ka dib markii xabsi loo taxaabay masuuliyiin sar-sare oo xisbigaas ka tirsan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Raage, Maxamed Cumar Jiir oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga iyo dad shacab ah oo lagu eedeeyey inay abaabuleyeen mudaharaadyo ka dhan xukuumadda.

Marwo Xaliimo Cismaan Raage ayaa todobaadkii hore ciidamo boolis ahi ka kexeeyeen iyada oo ku sugan meherad ah ku leedahay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, illaa immikana ciidamada boolisku si rasmi ah uma shaacin dambiga loo haysto. Haseyeeshee, xubno ka tirsan saraakiisha xisbiga oo maalintii la xidhay xabsiga ku booqday, ayaa sheegay in taliyaha Saldhigga Dhexe ee Hargeysa u sheegay inaanu garanayn dambiga loo haysto, balse amarka xadhiggeedu kaga yimi madaxda ka sarreysa.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay xadhigga madaxda UCID iyo saxaafadda ku marin-habaabinayso wax uu ku tilmaamay baylah ka muuqata maamulkeeda oo ay dadweynaha ka jeedinaysa, waxaanu sheegay inay dacwad la xidhiidha xadhigga madaxda UCID u gudbiyeen Ururrada Caalamiga ah ee Xuquuqal-Iinsaanka

“Waxaan halkan ka sheegaynaa inaanu ururrada Xuquuqal-iinsaanka u gudbinnay xadhigga lagula kacay Xaliimo Raage, maanta (shalay) London bay ku shirayaan oo arrin bay ka shirayaan, jawaabta ay ka soo bixiyaanna waad arki doontaan, laakiin uma dul-qaadan doono sharci-darrada xukuumaddu ku hayso shacbiga Somaliland, Xisbiga UCID iyo saxaafadda Madaxa-bannaan,” sidaa waxa yidhi Xog-hayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi, waxaanu intaas raaciyey, “Waxaanu adduunweynaha u sheegaynaa inaanay xukuumadda Somaliland dheg-jalaq u siinayn Xeerarka iyo shuruucda dalkani ku kala hagmo,” ayuu yidhi, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay shuruud la’aan xoriyaddooda ugu celiso Madaxda Xisbiga UCID iyo dad kale oo loo xidh-xidhay magaca xisbiga, kuwaas oo dhammaantood ku jira saldhigga Dhexe ee Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories