HomeXisbiga UCID oo taageero u muujiyey Rabitaanka Dhalinyarada ee ka Qayb-galka Siyaasadda...

Xisbiga UCID oo taageero u muujiyey Rabitaanka Dhalinyarada ee ka Qayb-galka Siyaasadda Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa taageero weyn u muujiyey rabitaanka dhalinyarada ee ka qayb galka siyaasadda iyo talada dalka.

Waxa sidaas lagu  sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay ku simaha afhayeenka xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), waxaanu warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani uu u dhignaa sidan:

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID waxaa uu si buuxda u taageersan yahay dedaalka da’yarta JSL ku rabaan inay kaga qayb qaataan tallada iyo hoggaaminta dalkeena JSL. Waxaa xasuus mudan in Xisbiga UCID uu ilaa bilawgiisii taageersanaa kobcinta iyo horumarinta da’yarta iyo ka qaybgalinta nidaamka siyaasadeed. Xisbiga UCID barnaamijkiisa iyo mabaa’didiisa siyaasadeed waxaa gundhig u ah kobcinta iyo horumarinta muwaadiniinta si looga midho-dhaliyo yoolalka qaran ee dalka taas oo ay gundhig u tahay hawl-galinta xooga iyo xikmada dhallinyaradda.

Xisbiga UCID ballanqaadyadiisii waxaa ka mid ahaayeen in Doorashada Dawladaha Hoose lagaga qayb-gali karo 25-jir iyadoo la furayo dabarada qaanuun ee dhallinyaradda ka hortaagan inay goleyaasha deegaanka ka qayb galaan. Haddaba iyadoo taas laga duulayo, X/UCID waxaa uu si buuxda u taageerayaa in wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka (Xeer Lam. 20/2001) iyadoo dhallinyaradda loogu ogolaanayo 25-jir inay kaga qayb-gali karaan tartanka doorashooyinka dawladaha hoose.

Ugu dambeyn waxa aannu Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo Xukuumadaba ugu baaqaynaa in la garab istaago damaca dhallinteena isla markaana jiilka cusub lagu layliyo hoggaaminta, maamul-wadaaga iyo qaran dhiska si mustaqbalka barito ay dalkan iyo dadkan aayahooga ula wareegaan uguna daadihiyaan jihada saxda ah.”

 Somalilandpost.net

Contact [at] somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories