HomeXisbiga UCID oo soo Munaasibad ballaadhan ku Qaabiley Taageerayaal gobollada Galbeedka u...

Xisbiga UCID oo soo Munaasibad ballaadhan ku Qaabiley Taageerayaal gobollada Galbeedka u dhashay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa munaasibad ballaadhan ku qaabiley Taageerayaal cusub iyo siyaasiyiiin ka soo kala jeeda gobollada Selal iyo Gabiley, kuwaas oo si rasmi ah cududdooda taageero kula midoobay Xisbiga.

Munaasibaddan oo maanta ka dhacday magaalada Hargeysa, waxa taageerayaasha iyo siyaasiyiinta u diga-rogtay kala qayb-galay masuuliyiinta u sar-sarreysa Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID), kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe, Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan, masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan.

DSC00427Ayaanle Daahir oo ku hadlayay afka taageerayaasha Xisbiga Ku biiray oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay in Ugaaska Beesha Ciise ugu duceeyey inay taageeradooda kula garab-joogsadaan Xisbiga UCID, iyaguna ay la qaateen wixii immika ka dambeeyana ay hiil iyo hooba la bar-bar joogaan.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Murashax Dr Maxamed Nuur Hufane oo ah Aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Salal oo shaaciyey inuu Xisbiga isaga sharraxayo Doorashoyinka golaha Wakiilada ee Sannadka soo socda, isaga oo sheegay inay taageerayaashiisu cududdooda la barbar taagan yihiin Xisbiga UCID. Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Ucid Iyo Masuuliyiin Kale.

Murashaxa Madaxweyen Ku Xigeenka Xisbiga UCID Aqonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa si si farxad ku dheehantahay u soo dhaweeyay taageerayaasha ku biiray xisbiga, waxaanu ku si adag uga hadlay xaaladdu dalka ku suganyahay isagoo halkaasi ka ballan qaaday in xisbiga UCID uu yahay xisbiga dalkan is beddel kheyr qaba ka dhalin kara.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay munaasibadan, ayaa si diiran u soo dhaweeyey taageerayaashan, waxaanu sheegay inuu rajaynayo inuu xisbiga Ucid ay u soo baxaan xildhibaano dadka wax u qabta.

“Waxaan jecelahay inay umadda Somaliland ee aan ka muuqan awoodda qaranka inay ka muuqdaan, dadka reer Saylac ee qaaddacay doorashadii hore ee golaha wakiilada waxaan rajaynayaa inay wakhtigan si fiican uga qayb qaadan doonaan oo ay dhulkooda ku soo noqon doonaan, waaanan soo dhawaynayaa musharaxa reer Saylac ee iska soo sharaxay xisbiga. Waxa kale oo aan soo dhawaynayaa musharaxa reer Gabiley ee isaguna iska soo sharraxay xisbiga, waxaanan leeyahay doorkan waa markii xisbiga UCID waxaanan leeyahay dadka reer Somaliland ha toosaan,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories