HomeXisbiga UCID oo soo bandhigay Natiijooyin uga soo baxay Kulankii ay ku...

Xisbiga UCID oo soo bandhigay Natiijooyin uga soo baxay Kulankii ay ku Qaabileen Oday-dhaqameedka Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ucidHargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa soo bandhigay nuxurka arrimo qarsoonaa oo ay sheegeen inay ku lammaan yihiin ujeeddada socdaalka odayaasha dhaqanka Soomaaliya ku joogaan Somaliland.

Guddida fullinta xisbiga UCID iyo xubno ka tirsan Golaha dhexe oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa ka dooday shir ay odayaasha Soomaaliya la yeesheen toddobaadkan, iyadoo xisbigu tilmaamay in odayaashaasi u socdaan arrimo siyaasadeed oo sida ay iftiimiyeen dawladda Turkigu dabada ka riixayso.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID, ahna ku-simaha Xoghayaha Guud Mr. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo laga soo saaray kulanka ay yeesheen, ayaa lagu sheegay in weftiga Soomaaliya ka socda aannu ahayn mid madaxdhaqameed ku kooban, balse ay la socdaan siyaasiyiin, ganacsato iyo saraakiil kala duwan, safarkoodana ay ka dambeeyaan dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxaannu ku caddaynayaa war-saxaafadeedkan wixii ka soo dhex baxay la kulanka odayaasha ka socda Soomaaliya, dood dheer iyo fallanqayn kadib, waxaannu bulshada Somaliland u soo bandhigaynaa qoddobadan;

1.   Sida ay noo sheegeen Odayaashu, u jeeddada socdaalkoodu wuxuu daarnaa oo ay ku sheegeen fadhigii aanu la yeelanay inay u socdeen is-dhexgal bulsheed.

• Waxaanu u aragnay qoddobkaa ka xisbi ahaan in iyadoo bulshadu awal ba isku dhex jirtay oo aanay kala maqnayn, una macaamisho sida laba dawladood oo jaar ah, in uu yahay qoddobkani mid siyaasadaysan oo daba socda qoddobada heshiiska Turkiga, kaas oo ka hor imanaya qaddiyada iyo rabitaanka shacbiga reer Somaliland.

2.   Odayaashu waxay noo sheegeen in ay yihiin Madaxdhaqameed Soomaaliya oo dhan ka Kooban, una socdaan arrin dhaqan.

•   Waxa aanu ogaanay in aanay ahayn Madax-dhaqameed keliya ee ay isugu jiraan siyaasiyiin hore, saraakiil, aqoonyahan, ganacsato iyo Madax-dhaqameed.

• Waxa kale oo aanu ogaanay in uu jiro qorshe u gaar ah oo qarsoon.

3. Waxa intaa dheer oo ay odayaashu noo sheegeen in ay u socdaan in ay wax ka bartaan habkii nabadaynta Somaliland ay ku gaadhay iyo qaabkii ay ugu hirgashay dib-u- dhiska dawladnimada Somaliland, doonayaana inay Somaliland gacan ka gaysato nabadaynta dalka Soomaaliya.

• Waxa aanu ku xidhnay shuruud ah in ay marka hore qiraan xasuuqii iyo tacadigii loo gaystay shacbiga reer Somaliland, isla markaana ay qiraan, aqoonsadaan, Icitriaafaanna madaxbannaanida, jirritaanka iyo qaranimada Somaliland, ixtiraamaana gooni-isu-taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

4. Waxa ay noo sheegeen Odayaashu in ay iskood isu xilqaameen, isku soo abaabuleen, cid ka dambaysaana aanay jirin safarkooda.

• Xisbiga UCID, waxa uu ogaaday in Xukuumada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ka dambaysay ambabaxooda iyo safarkooda ay ku yimaadeen Somaliland, xukuumada Turkiguna ay gacan weyn ku leedahay.

Soo jeedin:

Xisbiga Caddalada iyo Daryeelka UCID, markii uu arkay waxa ay la socdeen odayaasha ka yimi Soomaaliya, waxa uu ummadda reer Somaliland u soo jeedinayaa qodobadan soo socda:

1. In Xukuumadda Somaliland ay caddayso mawqifkeeda dhabta ah ee ku wajahan imaatinka odayaasha ka yimi Soomaaliya,

2. In aan ummadda iyo shicibka reer Somaliland lagu jahwareerin mashruuc khatar galin kara, laguna majarahabaabinayo jirritaanka qaddiyada iyo madaxbannaanida Somaliland.

3. Waxa aanu cod gaaban iyo cod dheer ba ku sheegaynaa in qaddiyada Somaliland ay tahay lama taabtaan, isla markaana tahay qadiyad shacbi.

4.   In wadahaddaladii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyay aan loo beddelin is-dhexgal shacbi oo siyaasadaysan, oo ay ku ekaato labada Dawladood.

5. Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, waxa uu caddaynayaa in uu ka soo horjeedo wax wal oo lidi ku ah qaranimada, midnimada iyo jirritaanka Somaliland.

6. Xisbiga UCID waxa uu soo jeedinayaa in la joojiyo kulamada odayaasha Soomaaliya la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland,” sidaa ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xisbiga UCID.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories