HomeXisbiga UCID oo soo Bandhigay Fadeexado la xidhiidha Heshiisyo Qarsoodi ah oo...

Xisbiga UCID oo soo Bandhigay Fadeexado la xidhiidha Heshiisyo Qarsoodi ah oo Xukuumaddu la gashay Shirkado Ajaanib ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa ku cambaareeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo heshiisyo ay sheegeen inay si qarsoodi ah ula saxeexdaan shirkado laga leeyahay waddamo shisheeye oo qandaraas lagu siiyey xaalufinta khayraadka badda Somaliland.

Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee UCID Mr. Cabdillaahi Cumar Xuseen (Shaqalle), ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku sheegay in shirkadaha xukuumaddu la gasho heshiisyada dhinaca khayraadka badda ah ay yihiin qaar aan sax ahayn oo dhibaato u gaysta khayraadka dalka.

ucid_kheyraadka badda“Waxaan halkan cambarayn uga dirayaa madaxda Somaliland oo aan leeyahay ha laga daayo sida qarsoodiga ah ee heshiisyadda loola galayo shirkadaha tuugta ah ee khayraadka dekedaha iyo badaheenna xaalufinaya, waayo hore ayeynu u soo aragnay qaar hore si qaldan looga saxeexday, wixii ay ku dhammaatayna waad ogtihiin. Waxa la yidhi wixii qalad lagu galaa qalad ayey ku dhammaaan, waxayna khatar ku tahay dadka iyo degaanka ku nool badda gudeheeda iyo berrigeeda.

Waxa kaloo aynu ognahay khatartii ka dhalatay suntii lagu shubay baddaha, taas oo ilaa hadda ay socoto dhibteedu.

Waxaan shacabka reer Somaliland u sheegayaa inay ka foojignadaan arrimaha hadda ka socda xukuumadda KULMIYE oo wasirradeedu heshiisyada la galayaan dawladaha aynu jaarka nahay, iyada oo aan baarlamaanka la soo marin, waxaanan leeyahay wixii heshiisyo ah waa in la horgeyo Golaha Wakiillada si uu u noqdo wax sharciga waafaqsan,” ayuu Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee UCID ku yidhi qoraalkiisa.

Masuulkan oo xilka uu hayo loo magacaabay 12 July 2014 wax faahfaahin dheeraad ah kama bixin noocyada dhibaatooyinka uu sheegay in lagu hayo badda Somaliland iyo magacyada shirkadaha xukuumaddu la gashay heshiisyada uu tilmaamay in lagu xaalufinayo khayraadka badda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories