HomeXisbiga UCID oo sheegay in Muddo-xileedkii guddiga Diiwaangelintu dhammaaday, dacwooddadoodii ku aaddanayd...

Xisbiga UCID oo sheegay in Muddo-xileedkii guddiga Diiwaangelintu dhammaaday, dacwooddadoodii ku aaddanayd Maayarka Berbera-na ku wareejiyey Komishanka Doorashooyinka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

cali-gurayHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo horaantii bishan gal-dacwadeed ka ah Maayarka iyo xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Berbera u gudbiyey hay’adaha ku shaqo leh doorashooyinka iyo Axsaabta siyaasadda, ayaa sheegay inay kalsoonida kala noqdeen gal-dacwadeedkii ay u gudbiyeen Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Siyaasadda.

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID waxa uu sheegay inay dacwaddoodaas si rasmi ah uga wareejiyeen guddida Doorashooyinka Qaranka, ka dib markii ida ay sheegeen muddo-xileedkii guddida Diiwaangelintu dhammaaday isla markaana aanay jirin wax muddo kordhin ah oo madaxweynuhu u sameeyey.

Warqad Xisbiga UCID ku dalbaday wareejinta dacwaddooda oo dorraad loo gudbiyey dhinacyada ay khusayso, laguna socodsiiyey guddida Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ogeysiin lagu siiyey Guddida Diiwaangelinta, Laba Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, Qaadhaan-bixiyeyaasha, Guddoomiyaha Saaxil, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Wakiillada iyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxa ku saxeexnaa Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Md Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey).

Qoraalka Xisbiga UCID ku dalbaday in guddiga Doorashooyinku si rasmi ah ula wareegaan dacwaddooda, ayaa u qornaa sidan: “Anagoo tixraacayna warqadii sumadeedu ahayd Ref:194/UCID/2013 kuna taariikhaysnayd 02/10/2013, tooska aanu u siinay anagoo raacayna sida u jideeyay Xeer No14/2011, taas oo aanu Dacwadii u horaysay u gudbinay Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka kuwaas oo muddo xillood koodii ku ekaa 04/10/2013 maalintaas oo ay ahayd maalintii Maxkamada sare ay dhaarisay ka dib markay Golaha Wakiiladu ansixiyeen 01/10/2011 Maxkamada sare na ay dhaarisay 04/10/2011 Maalintaas oo sida uu dhigayo Qod 6aad ee Xeer No14/2011 Guddidu ay Xilka haynayaan Muddo 2ba sano ah oo ka bilaabmaya maalintay maxkamaddu dhaarisay ee kor ku xusan, sida ku cad Qod 10aad ee XeerNO14/2011 todobaad ka dib marka Golaha Wakiiladu ansixiyo ayaa Maxkamada Sare horteeda lagu dhaarinayaa.

Sidaa darteed Guddida Diiwaan gelinta Ururrada iyo Ansixint Axsaabta Qaranku Waxa  Xilku  kaga kaa 04/10/2013, Dacwadayadu waxay sharci ahaan khusaynaysay 2-dii ilaa bisha 4teedii wixii ka danbeeyay 8 maalmood oo Xilku ka dhamaaday ayay muddo dhaaf si ula kac ah iyagoo og in waqtigii ka dhamaaday ay Dacwadayadii dib uga dhigeen muddo xillood koodii dhamaaday.

Sidaa daraadeed sida ku cad Qod 8aad ee XeerNo14/2011 shaqadii Dacwadayadu waxay saaka (shalay) ku wareegaysaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka maadaama oo ay Guddida Diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta Qaranka uu Muddo xilloodkoodii dhamaaday, wax muddo kordhin ahna aanay ilaa imika 12/10/2013 soo gaadhin Golaha Wakiilada JSL, isagoo Madaxweynuhu xaq u lahaa intaan muddadu ka dhamaan ama gabaabsiga tahay inuu u soo gudbiyo Golaha Wakiilada Hadduu doono in uu muddo kordhin u sameeyo laakiin ay caddahay in aan ciddina u kordhin Karin maanta maadaama muddo xilloodkoodii dhamaaday Madaxweynaha oo aan muddo kordhin soo qorin intii muddadooda wax ka noolaayeen .

Sidaa awgeed, Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID isaga oo daliishanaya dhamaan qodobada kor ku xusan raacayana mar ba cidda uu u jidaynayo XeerNo14/2011 ee Awoodda u leh in uu Dacwadiisa ku hagaajiyo.

Waxa aanu maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 13/10/2013 ugu soo gudbinaynaa Dacwada ka dhanka ah  labada Xildhibaan ee Kala ahaa Mayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf.

 Labada xildhibaan waxa ay si badheedh ah u jebiyeen xeer-hoosaadka xisbiga UCID,  Qodobkiisa 7 aad firqadihiisa  1aad,2aad iyo 4aad.

Waxa kale oo ay labada xildhibaan si cad u jabiyeen Xeer 14 (xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasadda oo loo soo gaabiyo xeer/LR/14/2011 )Xeerka Anshaxa xisbiyada  JSL (code of Conduct). Kuwaas oo sida la wada ogsoon yahay loo qabtay xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ay ka qayb galeen madaxda sare ee Xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin Xubno Golaha Wasiiradda ka tirsan sida Wasiirka Madaxtooyada iyo Gaashaandhiga iyo Madaxda sar sare ee Hogaanka Xisbiga KULMIYE laguna qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Berbera taas oo u jeedada loo qabtay ku magacawnayd Labada Xildhibaan ee Kor Ku xusan oo Ka baxay Xisbiga UCID una wareegay Xisbiga KULMIYE, iyagoo ku xardhan istiikariska iyo astaamaha Xisbiga KULMIYE.

Sidaa awgeed waxaanu Komishanka Qaranka ee Xeerku u jidaynayo awooddana u siinayo sida ku xusan Qodabada aanu kor ku soo sheegnay ee khuseeya muddo-xilleedka Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo axsaabta Qaranka Marka muddadoodu dhamaato oo ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay Xildhibaanadan ka gutaan Waajibaadkooda si waafaqsan sharciga iyo xeerarka khuseeya ee aanu kor ku soo sheegnay, anagoo arintaa u hayna Cajalado kayd ah iyo Dokumentiyo ku marag ah eedaymahooda keenina doona Xafiiska Komishanka Doorashooyinka Qaranka.”

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories