HomeXisbiga UCID oo Munaasibad bilan ku soo bandhigay Murrashaxiin Deegaankoodu soo xulay

Xisbiga UCID oo Munaasibad bilan ku soo bandhigay Murrashaxiin Deegaankoodu soo xulay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, xubno kamida hoggaanka sare ee xisbigaasi iyo boqolaal taageerayaal ah ayaa ka qaybgalay munaasibad ay murashaxnimadooda ku shaaciyeen Maxamed Xasan Siciid oo gobolka Maroodi-jeex uga tartamaya Doorashada Golaha Wakiillada iyo Maxamuud Xuseen Faarax (Cadaani) oo isna u taagan tartanka Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa.

blankMunaasibadda oo Arbacadii maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayey deegaanka labada Murrashax soo xulay si heer sare ah ugu foolladeeyeen, iyagoo halkaas ku soo bandhigay codka iyo cududda ay la garab joogaan murrashaxiintan iyo taageerada xisbigaba.

Madaxdhaqameedyo, Cuqaal, waxgarad, aqoonyahan iyo siyaasiyiin isugu jira Rag iyo haween xafladaasi ugu horayn ka hadlay, ayaa ka waramay taariikhda iyo tayada labada xubnood ee ay u sharaxeen tartanka Doorashada, waxaanay sheegeen in ay yihiin tartameyaal ay ka soo tashadeen, soona shirabeen aqoontooda, kartidooda iyo waaya-aragnimadooda masuuliyaddeed.

Madax-dhaqameedka iyo hormuudka kale ee madasha ka hadlay ayaa intaasi ku daray in ay si buuxda uga mid noqdeen bah-weynta xisbiga UCID oo ay madaxdiisa goobta fadhiday ka dalbadeen cadaalad iyo in ay doorkooda siyaasaddeed ku yeeshaan, iyagoo muujiyey dareen digo-rogasho oo salka ku haya isbedellada geedi-socodka Siyaasadda iyo Doorashooyinka dalka.

blankMaxamed Xasan Siciid iyo Maxamuud Xuseen Faarax, labada murrashax ee munaasibada lagu shaaciyey oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka waramay barmaamujyadooda wax-qabad ee qorshaha ugu jira haddii ay ku guulaystaan Doorashada. “Anigu waxaan bartay Sharciga, haddii aan ku guulaysto waxaan iswaafajin doonaa shuruucda isbarbar yaacaya ee garsoorka lagaga shaqeeyo”ayuu yidhi Maxamed Xasan Siciid.

Maxamuud Xuseen Faarax, ayaa isaguna sheegay “waanu arkaynaa iminkaba waxa gol-daloollooyin inoo muuqda, waddooyinka burburay, Tiinka ku baxay magaalada iyo baahiyaha yaalla, intii aanu jirnayna waan soo shaqaynaynay, hadday halgankii tahay iyo hadday dib-u-dhiskii dalka tahayba”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo gebagebadii xaflada ka hadlay, ayaa ka waramay aqoonta shakhsi ee uu u leeyahay xubnaha murrashaxiinta, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin dadka loo baahan yahay in tamartooda iyo aqoontooda looga faa’ideeyo Qaranka.

blankGuddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale deegaanka ay ka soo jeedaan labada murrashax ku sifeeyey bulsho karaamo iyo tix-gelin ku leh Qaranka, kana soo qayb-qaadatay halgankii dib-u-xoreynta dalka.

Eng Faysal waxa uu sheegay in labadan murrashax loo keenay xilli uu xidhmay Liiska Murrashaxiinta Xisbigu, hase yeeshee uu ku khasbanaaday in uu aqbalo oo uu cid kale uga saaro liiska, xurmada iyo qadarinta uu beesha u hayo dartood.

Maxamed Xasan Siciid oo ah murrashaxa u tartamaya Golaha Wakiillada, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, taasoo laba jeer ka noqday Agaasime guud iyo danjire Dalka Itoobiya u fadhiyey Somaliland, halka Murrashaxa Golaha Deegaanka Maxamuud Xuseen Faarax uu isaguna wakhti dheer ka shaqaynayey Xafiisyada Dawladda oo uu ka gaadhay La-taliye sare, isagoo markii u dambeysay noqday Maareeye ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories