HomeXisbiga UCID oo ka hadlay Xadhig Maanta lagula Kacay Afar Suxufi oo...

Xisbiga UCID oo ka hadlay Xadhig Maanta lagula Kacay Afar Suxufi oo bannaan-bax Nabdoon Dareenkooda ku soo Bandhigay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa cambaareeyey Xadhig ay Ciidammada Ammaanka magaalada Hargeysa maanta kula kaceen afar Weriye oo ka tirsanaa Suxufiyiin ka kala socday Hay’adaha Warbaahinta madaxa-bannaan iyo Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo sameeyey bannaan-bax si nabadgelyo ah ay u soo abaabuleen oo ay kaga cabanayeen caddaalad-darro Wargeyska Hubaal lagula kacay.

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in Xisbigu cambaaraynayo tallaabadaas, isla markaana uu u arko cabbudhin iyo kali-telisnimo. Waxaanu qoraalka Warkaasi u dhignaa sidan:-

Weriyeyaal-la-xidhay“Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 03/12/2013 uu war- Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhigga Xaq-darrada ah ee loo geestey Weriyayaal si salmiya u muujinayay cabasho ay ka qabaan Nin horraantii sannadkan soo weeraray Wargeyska Hubaal oo Xuukumaddu Xabsiga ka sii daysay iyada oo aan caddaaladda la marin, isla markaana aan dhibbanayaashii Wargeyska Hubaal waxba laga ogeysiin.

Weriyeyaashan oo tiaradodu tahay 4 Weriye oo ka hawlgala Warbaahinta madaxa-bannaan ee Caasimadda Hargeysa. Haddaba, Xisbiga UCID, waxa uu qabaa in xadhigga Weriyeyaashani uu yahay mid lagu sadqaynayo Xorriyatul-qawlka Qarankani 22-ka sannadod ku soo caano-maalay, isla markaana lagu waxyeellaynayo.

Xisbiga UCID waxa uu cod dheer ku cambaaraynayaa Xadhigga xaq-darrada ah, isla markaana arxan-darrada ah ee lagu gawracay xorriyatul-qawlka Saxaafadda madaxa-bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xisbiga UCID waxa uu Xukuumadda ku waaninayaa inay iska dayso dhaqan cusub oo maalmahan u dambeeyey miciin u nqday, dhaqankaas cusub oo ay ka mid yihiin cabbudhinta, cago-juglaynta, handidaadda, hanjabaadda iyo xadhigga ay ku hayso Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Saxaafadda maaxa-bannaan.

Ugu danbeyntii waxaannu Xukuumadda ugu baaqeynaa iney si deg-deg ah Xorriyaddooda ugu so celiso Weriyeyaasha xaq-darrada lagu xidhay, isla markaana ay raalli-gelin ka bixiso, soona xidho Ninka ay sharci-darrada ku sii deysay ee Wargeyska Hubaal weerarka ku qaaday.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories