HomeXisbiga UCID oo Ka Hadlay Derejooyinka Ciidamada la Siiyey, xukuumadda-na u Jeediyey...

Xisbiga UCID oo Ka Hadlay Derejooyinka Ciidamada la Siiyey, xukuumadda-na u Jeediyey baaq Ka Dhan Xuska Maalinta 2-da February

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa soo dhaweeyay derejooyinka madaxweynuhu shalay ku taxay Saraakiisha u sarraysa ciidamada kala duwan ee Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay talaabo horumarka leh.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo sidoo kale xukuumadda ugu baaqay in maalinta xuska Aasaaska Ciidamada Qaranka ee 2-da February, loo aqoonsida maalinta Hub-ka-dhigista Somaliland.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan:-

mujaahid-cali-guray“Marka hore talaabada ay xukuumadu qaaday ee hirgelinta derejada ciidamada Somaliland Xisbiga UCID wuu soo dhawaynayaa. Waa talaabo aan hore loogu dhiiran. hadii sida ay dadka qaar qabaan ama ka baqayaan ay wax ka qaldan yahiin  ama aanay wada sax ahayn waxa aanu u aragnaa kolay ba in ay tahay tallaabo loo qaaday dhinacii saxa ahaa.

Sagaal iyo toban sanadood ayaa ka soo wareegay markii ay xoogagii ugu horeeyay Ciidankii Xoraynta EE SNM ay dhamaan hubkoodii waawaynaa ku wareejiyeen gacanta dawladda Somaliland. Waxay ahayd 1dii bisha February 1994kii markii guutadii ugu horeysay –Gt 10aad- ay hubkeedii dawladda gacanta u gelisay,.taas oo keentay in intii kale na ku dayato oo si is daba joog ah ugu dhiiradeen in ay hubkooda ku wareejiyaan dawladda.

Hub dhigiistii xoogaga SNM iyo dhamaan maleeshiyooyinkii beelaha waxa dunida looga yaqaan “ MUCJISADA SOMALILAND”, waayo waxa ilaa iyo hadda aan dad badani fahmi Karin sidii ay Inoogu suurto gashay, iyada oo la ogyahay in bulshada caalamku gacmaha ka laabteen  oo aanay wax ba inaga tarin.

Xukuumadaha kala dembeeyay ee Somaliland waxay hub dhigista ka dhigtaan wax ay ku faanaan marka Somaliland ay uga xog waramayaan cid shisheeye ah. Lakiin 19 sanadood mar keliya lama xusin hub-dhigistii oo ay nu wada ognahay qiimaha ay ugu fadhido geedi socodka qaran dhiska Somaliland

Sidaa darteed, Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka (UCID) waxa uu Somaliland ku baraarujinayaa in bisha February la xuso hub ka dhigistii kooxaha hubaysan iyada oo 1da bisha February na loo aqoonsado MAALINTII HUB DHIGISTA SOMALILAND.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories