HomeXisbiga UCID Oo Eedo U Xambaariyay Dhiggiisa WADDANI

Xisbiga UCID Oo Eedo U Xambaariyay Dhiggiisa WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaradka ah ee UCID ayaa ku eedeeyay xisbiga Waddani in aanu danayn in xal laga gaadho muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo  golaha Wakiiladda.cali-guray

Guddoomiye ku  xigeenka 3-aad  ee  xisbgia UCID   Cali Maxamed Yuusuf  (Cali Guray),  oo shalay warbaahinta la hadlay  waxa uu sheegay in wada hadaladii u socoday   labada xisbi mucaarad,  xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda ee ay kaga wada hadlayaan muddo kordhinta  golaha Guurtidu u sameeyeen  xukuumadda iyo golaha Wakiialda iyo dib u dhaca ku yimi doorashooyinka in aanu xisbiga WADDANI   la iman xal siyaasi ah  oo lagu heshiiyo isla markaana doorashooyinku ku qabsoomaan.

Mujaahid Cali, ayaa  u soo jeediyay xisbiga WADDANI  inay ka waantoobaan dacaayadaha ay ka fidinayaan xisbiga UCID, waxaanu ku hanjabay in aany  ka xisbi ahaan wax danbe dadka ka qarin doonin, bal se ay soo bandhigi doonaan natiijada ka soo baxda wada hadalada maanta ay isku soo hor fadhiisan doonaan xisbiyadda mucaaradka ah xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda.

“Waad  ogaydeen  maalintii wada hadaladu bilaabmayeen in aan soo jeediyay in saxaafada la daayo oo ay u gudbiyaan dadka masiirkooda dadka ka talinaya waxa ay ku hadlayaan lamina ogalaan, imikana dhuxudhux iyo dacaayado ayaa la wadaa”ayuu yidhi Cali Guray.

 

Waxa kale oo  uu sheegay in wada hadaladii u socday  saddex xisbi qaran iyo xukuumada in xisbiga Waddani  uu caqabad ku yahay in xal laga gaadho.  Waxaanu  yidhi “Garanay  Kulmiye waa xisbul  xaakim  dawlad iyo madaxweyne ayay is-dhex wataan, waxaanu  anaga  oo UCID ah iyo Waddani laba  xisbi oo mucaarad ah oo safkayagu inuu mid haado ay ahayd, laakiin marka la yidhi la kaalaya xal siyaasi ah  oo macnihiisu yahay in aan cidina teeda wada helin.

Waddani  taayadiina naguma raacin xal uu keenayna ma jirro,  iyaga ayaana dacaayadaha  suuqa ka wada waxaanu leenahay  madaxweyne ku xigeenku wuu noo markhaati furay in xisbiga UCID yahay xisbiga la yimid xal siyaasiya ama ha lagu raaco ama ha lagu diido, wax danboo inoo qarsoonaanayaa iyo wax danbe oo dadka laga qarinayaa ma jiro”.

“Haddii  maalinta Isniinta  ay noqoto anaguna halkayagii ayaanu  taaganahay, anaguna halkayagii ayaanu taaganahay, macnuhu waxa weeye doorasho ma dhacayso, doorasho waxa ay ku dhici kartaa waxa aynu ku heshiino” ayuu yidh Cali-gurey.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories