HomeXisbiga UCID oo Dhalleecayn u jeediyey Guddoomiyaha Wakiillada isla markaana aanu metelin...

Xisbiga UCID oo Dhalleecayn u jeediyey Guddoomiyaha Wakiillada isla markaana aanu metelin xubinimada Xisbiga ee G. Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa dhalleecayn u jeediyey guddoomiyaha Golaha wakiillada isla markaana aqbalay is-casilaaddiisii xubinimada Xisbiga.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Xisbiga UCID ayaa lagu sheegay in Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu ku gudo jiro hawl-gal uu ku burburinayo xisbiga UCID isla markaana aanu ka mid ahayn xisbiga UCID, xubinimadii golaha wakiilada ee xisbiga uga soo baxayna aanay waxba ka jirin.

Warsaxaafadeedka ku aaddan Mr. Cirro ayaa u dhignaa sidan:

“Sida aynu la wado socono waxaa cad in uu qandaraas ku qaatay  Gudoomiyaha  Golaha Wakiilad mudane:Abdirahmaan Cirro in uu burburiyo Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID  iyadoo ay ka markhaati kacayso  go’aanki qayrul shacriga ahaa ee isaga iyo aadan mire waqaf ay bishii 24  july 2011 ay ku sheegteen in ay rideen hogaanki sharciga ahaa ee xisbiga iyadoo waliba ay  xukumaduna  u xidhay dhamaan xafiisyadii xisbiga qaranka ee UCID iyadoo  uu isla markaana uu xeer ilaaliyaha guud ee qaranku  xisbiga UCID  ka diiday  in uu dacawad ku oogo cidii lacagta xisbiga sida sharci darada ah ula baxday .

Hadaba iyadoo aanu  u mahadnaqayno  maxkamada sare ee go’aamisay  go;aankii xaqa ahaa ee 11 Sebt 2011 daaqadana ka tuurtay  go’aankoodi sharci darada ahaa.

Ayaa waxa uu gudoomiyaha Wakiilada  Mudane:Abdirahmaan Cirro wali wadaa  dagaal iyo dacaayado  uu ka fidanayo xisbiga UCID  isagoo bishan  lixdeedii ku dhawaaqay  in uu sameeynayo  urur madashaas uu Abdirahmaan kaga dhawaaqayey ururka oo uu gudoomiye ku xigeenkisa barlamaanku mudane:Abdicasiis Samaale   si cad u sheegay in uu abdirahmaan  gacan wayn ka gaysatay guushii  uu ka gaadhay  kulmiye doorashada madaxtooyada taas oo uu Abdirahmaan cirro ku jabiyey xeerkii xisbiga iyo  distoorka qarankaba iyadoo horena aanu u qabnay tuhunkaas..

Hadaba anagoo  tixraacayna  hadalkaa uu madashas ka yidhi in uu iska casilay  xubinimadii  xisbiga ee uu ku fadhiyey golaha wakiilada kuna ahaa  gudoomiyaha  isagoo jabiyey  distoorka , xeerka xisbiga iyo xeerka nidaamka ururada iyo  axsaabta ee Xeer No:14/ waxa uu xisbigu go’aansaday in uu ka aqbalo is casiladiisaa soona buuxsado xubinimadaas sida sharcigu dhigay.

Maadaama oo uu ku biiray urur aan jirin , kuraasna aan ku lahayn golaha wakiilada.

Sidaas daraadeed waxaanu ka codsanaynaa haayadaha qaranka ee ay khusayso arintani in ay fuliyaan go’aankaas ka soo baxay xisbiga UCID waxaan kaloon xasuusinayana dhamaan  xildhibinaada golaha  wakiilada in aanu  gudoomiyahii hore ee golaha wakiiladu  mudane Abdirahmaan Cirro  aanu matalin xisbiga, lumiyeyna xubinimadii Golaha wakiilada.”

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories