HomeXisbiga UCID oo Dhaliilo u jeediyey Dowladda Jabuuti, Xukuumaddana baaq u diray

Xisbiga UCID oo Dhaliilo u jeediyey Dowladda Jabuuti, Xukuumaddana baaq u diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), ayaa eedo u jeediyey dawladda Jabuuti, kaas oo sheegay in Jabuuti ay tahay cadowga Somaliland.

blank

Sidoo kale Mr Ramaax waxa uu xukuumada Somaliland ugu baaqay inay mudo 24 saacadood ah gudahood ay dalka kaga saarto Safiirka dawlada Jabuuti u fadhiya Somaliland.

“Waad ogtihiin xuduudku xageena wuu ka furan yahay oo way soo gali karaan, iyaga hal gaadhi oo aynu leenahay ma gali karo, habarta khudradda ku beertay halka 40Km u jirta magaalada Jabuuti kuma galin karto magaceeda iyada oo xuduuda Somaliland ka galinaysa.

Dalka caynkaa inoola dhaqmaya, waxaanu leenahay xukuumada waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta dadkeeda iyo dhaqaalaheeda may u saamixin, kalamanay hadlin, waxa ku haboon in cirka, dhulka iyo badda ka xidhno xabadda Kalluun ah ee Jabuuti laga cuno badda Somaliland ayaa laga qaadaa,” ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Sidoo kale Xoghayaha Arimaha gudaha ee xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa waxa mar uu ka hadlayey dekeda Berbera iyo saamaynta ay Jabuuti ku yeelatay “Waxa uu la wareegay hadana isaga oo sifayaal ganacsi oo kale usoo maraya, maanta dekedii Berberi inay xidhanto ayay ku dhawdahay, boqolkiiba shan iyo afartan Koonteenaradu waxay soo maraan Jabuuti, isagoo u maray hab kale oo diblomaasiyadeed iyo qaybin uu qaybinayo dadka reer Somaliland. Anagu cadawgayaga koowaad ayaanu u aragnaa, haday xaga dhaqaalaha tahay, taa gudoomiyuhu ka hadlayna runtii waan ayidayaa,” ayuu yidhi Mr Ramaax, waxaanu intaasi ku daray oo uu xukuumada Somaliland ugu baaqay in 24 saacadood gudahood dalka lagaga saaro safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories