HomeXisbiga Talada haya ee KULMIYE oo Cayimay Wakhtiga Qabsoomidda Shirkooda Golaha Dhexe

Xisbiga Talada haya ee KULMIYE oo Cayimay Wakhtiga Qabsoomidda Shirkooda Golaha Dhexe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 05 April, 2012 (SLpost)- Xisbiga Talada haya ee KULMIYE ayaa shaaca ka qaaday in xisbigu shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga qabsanayo 14 Bishan April.

Waxa sidaa lagu sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel ku qabtay xafiiska Xisbiga ee Caasimadda Hargeysa, isaga oo dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ee ku sugan dalka gudihiisa ay sida ugu dhakhsaha badan ku yimaaddaan xarunta Xisbiga ee caasimadda ugu dambayn 10-ka bishan April.

“Dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, ha joogaan caasimadda Hargeysa ama Gobollada dalka, waxaanu faraynayaa inay xarunta xisbiga diyaar ku ahaadaan 10-ka bishan si ay u diyaarsadaan kaadhadhkooda xubinimada ay kaga qab-galayaan shirka golaha Dhexe,” sidaa ayuu yidhi guddoomiye Jaamac Shabeel oo isla markaana ah xubin ka tirsan golaha deegaanka ee Caasimadda.

Munaasibada ku dhawaaqida xiliga qabsoomida shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo labadooduba sheegay in mudo lagu soo hawlanaa qaban qaabada qabsoomida shirkan  isla markaana la go’aamiyay inuu shirka golaha dhexe qabsoomo 14 bishan aynu ku guda jirno.

Ku-dhawaaqista wakhtiga loo cayimay qabsoomidda shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa ka dambaysay ka dib markii guddiga Diiwaan-gelinta ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranku ay shaaca ka qaadeen in dhammaan ururrada cusub iyo saddexda Xisbi ee hore u jiray laga rabo inay qabsadaan shirweynahooda inta aan la gaadhin wakhtiga loo cayimay in la soo gebo-gabaynayo.

Guddiga Diiwaan-gelintu waxay xisbiyada hore u jiray ugu baaqeen in haddii ay qabsan waayaan shirkooda Golaha Dhexe ay ka hadhi doonaan tartanka Goleyaasha Deegaanka isla markaana ay waayi doonaan Mansabkooda Xisbinimo.

SOMALILANDPOST.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories