HomeXisbiga Saddexaad ee ugu weyn Inigiriiska oo dowladdooda iyo Caalamka ugu baaqay...

Xisbiga Saddexaad ee ugu weyn Inigiriiska oo dowladdooda iyo Caalamka ugu baaqay inay Aqoonsadaan Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Gudoomiyaha Xisbiga UKIP ee Ingiriiska Mr. Nigel Farage ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii Ingiriiska iyo beesha caalamku aqoonsan lahayd madaxbanaanida Somaliland, laguna abaalmarin lahaa xasiloonida ay gaadheen.

Guddoomiyaha xisbiga UKIP ee Ingiriiska oo kala qeybgalay xusbka madaxbanaanida Somaliland ee 18 May wakiilka Somaliland u qaabilsan Ingiriiska Cali Adan Cawaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in Ingiriisku aqbalo codsiga rasmig ah ee shacabka Somaliland raadinayaan, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Somaliland waxay ahayd hoygii nabada, dimoqraadiyada iyo cadaalada Geeska Afrika 24 sannadood u dambeeyey. Waxa la gaadhay wakhtigii Ingiriiska iyo Beesha caalamku aqbali lahaayeen madaxbanaanida Somaliland.”

UKIP leader Somaliland 18 MayMr. Farage ayaa hadalkiisa raaciyey, “In Ingiriisku dhabarka u jeediyey codsiga sharciga ah ee madaxbanaanida Somaliland waa khalad. Sannadihii u dambeeyey waxaan u ololeynay sidii wadamada sida Mozambique oo aan xidhiidh taariikheed la wadaagin Ingiriiska kaalin uga heli lahaayeen wadamadda Barwaaqo-sooranka, laakiin, Somaliland, ooh ore u ahaan jirtay maxmiyad meel cidlo ahayaan kaga dhaqaaqnay. Siyaasdaaa waa in la bedelaa. ”

Sidoo kale Xildhibaan James Carver oo afhayeen u ah xildhibaanada xisbiga UKIP ee baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale fariin taageero ku saabsan madaxbanaanida Somaliland ee 18 May u soo diray shacabka.

“Waxaan si kalgacal leh u taageerayaa qadiyadda madaxbanaanida, maalintan aad u dabaaldegaysaan qaranimada dalkiina. Fariintayda ugu wanaagsani waa saadaal in beesha caalamku aqoonsadaan qadiyadda madaxbanaanidiina. Maantana (shalay) waxaan fariintaydan taageeraada si shaqsi ah ugu gudbin doonaan madaxda Somaliland.”

Xisbiga UKIP oo saddexdii sannadood ee u dambeeyey kasbaday shacbiyad tiro badan saddexdii doorasho u dambeeyey, isla markaana kaalinta saddexaad kala wareegay xisbiga Liberal Democrats, ayaa ah Xisbiga kaliya ee taageersan qadiyadda madax-bannaanida Somaliland oo xildhibaannada iyo masuuliyiinta Xisbigaasi mooshinno ku saabsan hordhigeen baarlamaanka Midowga Yurub.

Xisbiga UKIP oo siyaasaddiisu u jan-jeedho dhinaca Midig, waxa uu u ololeeyaa sidii waddanka UK uga bixi lahaa xubinnimada Midowga Yurub, taas oo ka dhigtay Xisbiga xildhibaannada ugu badan ku leh baarlamaanka Midowga Yurub marka loo eego xisbiyada kale ee Ingiriiska. UKIP oo la aasaasay sannadkii 1993-kii, waxa uu siyaasadda dalka UK Saamayn Xooggan Ku yeeshay doorashadii sannadkii 2013-kii oo xisbigu kaalinta afraad ka galay tirada xildhibaannada goleyaasha deegaanka, halka uu kaalinta saddexaad ka galay doorashooyinka Guud ee waddankaas. Doorashooyinkii Guud ee sannadkan ka qabsoomay dalka UK, waxa uu xisbigu kaalinta saddexaad ka galay tirada codadkii laga dhiibtay doorashadaas oo xisbigu ka helay codad tiro badan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories