HomeXisbiga Mucaaradka ee WADDANI oo xukuumadda ku eedeeyey inay Dabin khiyaamo u...

Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI oo xukuumadda ku eedeeyey inay Dabin khiyaamo u maleegayso Xorriyadda Saxaafadda Madaxa-bannaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

waddaniHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa si adag u cambaareeyeen xeer qabyo qoraal ah oo horyaala golaha Wakiillada kaas oo la doonayo in saxaafadda madaxa bannaan lagu cabudhinayo, kaas oo xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo dabada ka riixayso.

Xubno ka mid ah Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo maanta shirkaas jaraa’id oo ay arrintaas kaga hadlayaan ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Xasan Dirir wuxuu xusay in xeerkan ay xukuumaddu ugu talogashay inay ku cabudhiso kulana wareegto hantida saxaafadda madaxabanaan “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay xeerkan u samaysatay inay ku ciqaabto saxaafadda madaxabanaan, iyadoo doonaysa inay xeerkan kula wareegto hantii hay’adaha madaxabanaan ee saxaafadda”.

Xoghaye Dirir isagoo ka hadlaya abaalkii ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gashay saxaafadda madaxabanaani wakhtigii uu mucaaridka ahaa wuxuu yidhi, “ Waxaynu wada ogayn sideedii sanno ee Axmed Siilaanyo mucaaridka ahaa sideedaas sannoba garab taagnayd Madaxweyne Axmed Siilaanyo saxaafadda madaxabanaani, maanta markii uu taladii dalka qabtayna wuxuu usoo tafa-xaytay inuu yidhaa waxaan la wareegaynaa hantidii, wargaysyada iyo TVyada madaxabanaan ee astaanta u ahaa xoriyatal qawlka Somaliland”.

Xoghaye Dirir isagoo umadda Somaliland fariin u diray wuxuu yidhi “umadda Somaliland waxaan u sheegaynaa inay ka dhiidhiyaan xadgudubka ay xukuumaddu u gaysanayso saxaafadda madaxabaanan ee dalka”.

Xoghaye Warfaafintu isagoo ballanqaad iyo amaan u diraya saxaafadda madaxabanaan wuxuu yidhi “saxaafadda madaxabanaan waxaanu ku amaanaynaa oo ku majiiranaynaa sida ay u garab istaageen ee ay ugu hiiliyeen ee ay u dhiseen dimuqraadiyada dalka una ilaaliyeen xoriyatal qawlka somaliand, Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI wuxu u ballanqaadayaa saxaafadda madaxabanaan inuu hiil iyo hooba la garabjoogo oo aanay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilanyo fursad u siindoonin inay dalkan ka dhigto kalitalis”.

Waxa isaguna hadalka qaatay hantidhawraha xisbiga WADDANI Md. Xasan Xuseen Codyare isagoo sheegay inuu xeerkan qabyoqoraalka ahi lid ku yahay dastuurka dalka, xeerka saxaafadda 27/2004 iyo xeerka ururada iyo axsaabta ee Xeer No.14/2011 isagoo sheegay in xeerkan lagasoo dheegtay dalka Kuuba “Xeerkani wuxuu lid ku yahay dastuurka dalka, xeerka saxaafadda 27/2004 iyo xeerka ururada iyo axsaabta ee xeer no.14/2011, xeerkan meesha yaal waxa laga soo minguuriyey dalka kuuba oo saxaafaddu cagta hoosteed ku jirto markaa madaxweyne siilaanyo ma waxaad doonaysaa inaad noqoto fiidal kastarihii kuuba oo kale ee kalitaliska ahaa”.

Ugu dambayntii waxaa halkaas ka hadlay xoghayaha qorshaynta xisbiga WADDANI Md. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyoraac) oo sheegay in xeerkani ka hor imanayo dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ahba “Xeekani wuxuu ka hor imanayaa dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee adduunka wuxuu dib inoogu rarayaa xidigtii October inay noqdaan jaraa’idku iyo inay warbaahintu noqoto nidaamkii kacaankii Siyaad Barre, waxaanu xukuumadda u sheegaynaa inaan dadkani aqbalidoonin nidaamkii kalitaliska ahaa ee Siyaad Barre oo kale”.

Xoghaye Cabdirashiid isagoo ka hadlaya gole xeerkan qabyada ahi qorayo inay saxaafadda maamulidoonaan waxa uu yidhi “Golahan saxaafadda loo samaysanayaa waxa uu la mid yahay golihii kacaanka Siyaad Barre ee ka qaadijiray dadka hantidooda ee ka xidhijiray meheradahooda ee ka masaxi jiray liisamadooda ee la wareegijiray waxa qofku leeyahay”.

Mr Cabdirashiid waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay keligeed kooto ay danteeda uga faa’idaysanayso ku xidhatay warbaahinta dawladda ee dadku wada-leeyihiin, “waxaad ka warhaysaan in warbaahintii qaranka cid gaar ahi yeelatay oo xukuumadda Axmed Siilaanyo boobtay TVgii Qaranka Iyo Idaacaddii Iyo wargayskiiba maantana waxay doonaysaa inay tii madaxabanaanayd boobto,” ayuu yidhi Mr Cabdirashiid.

 SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories